Home » Box Office » Superstar Rajinikanth 50 Crore ilaa 500 Crore film Tamil ah inuu keeno asigaa bilaabay!

Superstar Rajinikanth 50 Crore ilaa 500 Crore film Tamil ah inuu keeno asigaa bilaabay!

Cidna waxba kama qaban karto awooda uu Superstar Rajinikanth ku heesto fanka Tamil ama Kollywood loo yaqaan madaama filimkiisa 2.0 mudo todobaad ah kusoo xareeyay 500 Crore ($75m) ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo.

Haddaba Rajinikanth cayaar cayaar ma ahan madaama uu dhul weynaha Tamil Nadu mudo 38-sano ah iska maamulanaayo sidoo kalena iskoor walbo filimada sameeyaan isaga ayuu u gaar yahay sida xaqiiqada ay tahay.

Superstar Rajinikanth waa atooraha bilaabay filim Tamil ah inuu 50 Crore soo xareeyo ganacsigiisa dibad iyo dal 13-sano ka hor maantana wuxuu bilaabay darajada 500 Crore in filim Tamil ah gaari karo madaama 2.0 darajadan hal todobaad ku gaaray.

Fadlan hoos kaga bogo Superstar Rajinikanth iyo darajo walbo sida ay aflaantiisa Tamil ama Kollywod ugu bilaabeen:

Filimka ugu horeeyay Tamil ah 50 Crore soo xareeyo – Chandramuki (2005)

Filimka ugu horeeyay Tamil ah 100 Crore soo xareeyo – Shivaji (2007)

Filimka ugu horeeyay Tamil ah 250 Crore soo xareeyo – Endhiran/Robit

Filimka ugu horeeyay Tamil ah 300 Crore soo xareeyo – Kabali (2016)

Filimka ugu horeeyay Tamil ah 500 Crore soo xareeyo – 2.0 (2018)

Shabakada Filimside waxay Leedahay Hambalyo Superstar Rajinikanth Hogaamiyaha Kollywood Ee Aan Awoodiisa Loo Dhawaan Karin Asigoo 67-jir Ah!

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *