Superstar Rajinikanth filimkiisa Petta lacagaha lagu iibsaday iyo sida uu HIT ama FLOP ku noqon karo

Superstar Rajinikanth waa 68-jir haddana waa mada daaliyaha kowaad ee Koonfur Hindiya waxayna reer Tamil jecel yihiin xili walbo oo feesto ama fasax qaran jiro inay filim Rajini hogaamiye ka yahay daawadaan sidaa darteed feestada Pongal wuxuu Jeestoole la yimid filimka uu in badan ku xarakaneeyo Petta.

Marka laga soo tago Rajinikanth filimka Petta jilaayaal kale oo caan ah sidoo kalena fanka Hindiy awood ku leh ayaa kasoo muuqan doonaan oo doorar xiiso badan ku leh waxaana ka mid ah Vijay Sethupathi, Simran, Trisha, Sasikumar, Bobby Simha iyo Nawazuddin Siddiqui.

Haddaba filimka Petta suuq walbo lacagaha lagu iibsaday marka la isku daray waxaa lagu gatay 125 Crore wuxuuna noqday filimka 5-aad ee Koonfur Hindiya sameeyeen lacagaha ugu badan laga helo ka hor inta aan tiyaatarada la saarin.

La yaab ma ahan in Petta 125 Crore lagu iibsado waayo Rajinikanth ayaa hogaamiye ka ah kaasi oo iska leh sedex ka mid ah 5-filim ee Koonfur Hindiya sameeyeen ee taariikh ahaan lacagaha ugu badan kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen sida aad hoos kaga bogan kartid:

Baahubali 2₹370 crore

2.0₹359 crore (Rajini ayaa hogaamiye ka ah)

Kabali₹160 crore (Rajini ayaa hogaamiye ka ah)

Sarkar₹131.5 crore

Petta: ₹125.35 crore (Rajini ayaa hogaamiye ka ah)

Sidoo kale haddii aan diirada saarno filimada Tamil sameeyeen ee luqada Af Tamil kaliya lacagaha ugu badan lagu iibsaday sida gobolka Tamil Nadu kaliya looga daawado haddana 4-filim ee lacagaha ugu badan lagu iibsaday sedex ka mid ah Rajinikanth ayaa hogaamiye ka ah waxayna kala yihiin 2.0, Sarkar, Kabali iyo Petta.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Petta iyo suuq walbo kooxda cajaladaha qeybiyaan lacagaha ay ku iibsadeen ayadoo muuqato in mashruucaan lacago xoogan lagu iibsaday:

Tamil Nadu: ₹56 crore

Karnataka: ₹10.1 crore

Ap/Nizam: ₹10 crore

Kerala: ₹6.75 crore

North: ₹8 crore

Gudaha Hindiya Lacagaha Lagu Iibsaday Wadar Ahaan: 90.85 crore

Suuqyada Caalamka Lacagaha Lagu Iibsaday 34.50 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Lagu Iibsaday Dibad iyo Dal – 125.35 Crore (Worldwide Theatrical Value)

Filimka Petta waxaa laga rabaa inuu soo xareeyo 235 Crore ganacsigiida dibad iyo dal la isku daro si uu HIT dhameestiran u noqdo wixii ka ka hooseeyo ganacsi ahaan 235 Crore waa ganacsi niyad jab ah oo guul daro u horseedayo filimkan weyn.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.