Superstar Vijay oo bad baadiyay taageerihiisa ku dhawaaday isaga dartiis inuu u geeriyoodo!

Tamil Superstar Thalapathy Vijay ayaa bad baadiyay mid ka mid ah taageerayaashiisa aadka u jecel oo isaga dartiis u geeriyoon rabay xili ay socotay duubista Vijay filimkiisa 63-aad oo siweyn reer Tamil iyo dhamaan Hindiya oo idil laga wada sugaayo.

Vijay marnaba ma jeclo in taageerayaashiisa wax yeelo soo gaarto balse nasiib daro filimkiisa 63-aad duubista ku socoto goob ahaan waxaa ka dhashay saxmad xoogan madaama dad aad u fara badan ogaadeen in Vijay filim duubayo sidoo kalena Superstar-kan wuxuu ku dhex jiray gawaarida jilaayaasha isku diyaariyaan ee Vanity Vans sidoo kalena dhexdooda gaawiradan wax walbo laga dhex heli karo meel la jiifto, meel dharka lagu badasho iyo meel yar oo lagu cunteyn karo ama shir yar oo lagu kala war qaadan karo lagu qabsan karo.

Waxaa dhacday in kumanaan taageerayaal Vijay u ah goobta soo buux dhaafiyeen waxayna kooxda ilaalada sameesteen gidaar aan laga soo gudbi karin si Vijay halista saxmada dadka faraha badan looga ilaaliyo laakiin waxaa is buurteen sidoo kalena is jiireen taageerayaashii faraha badanaa!

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Waxaa dhacday in gidaarkii taageerayaasha loo dhigay qeyb ka mid ah dhaco ama jabo kadib markii culees ay soo saareen waa markii Vijay kasoo baxay gaarigii uu ku jiray Vijay ayaa isla markiiba celiyay gidaarkii soo dumi rabay ama dhici rabay sidoo kalena kooxdiisa ilaalada la socotay ayaa wax ka caawiyeen Vijay oo halkii uu ka fogaan lahaa goobta soo dumi rabtay wax ka celiyay si taageerayaashiisa aysan waxba u gaarin.

 

Vijay ayaa sidoo kale taageero kale oo aad ugu nuglaa cariiriga iyo dhibaatada meesha ka jirtay dadka kasoo dhex saaray si uu hawo u helo kadibna biyo siiyay marka uu yara nastayna taageerihii goobta ka diray.

Marka aan usoo laabano Vijay filimkiisa 63-aad waxaa Director ka ah Atlee  oo horey Superstar-kan ugu sameeyay filimada hirgaleen Theri (2016) iyo Mersal (2017) waxaana filimkan cusub atirisho ka ah Nayanthara qorshahana wuxuu yahay Diwali 2019 in la daawado ama feestada Diwali ee qaybaha dambe sanadkan dhamaadka bisha October ku aadan.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*