Taariikhda Abaal Marinta Filmfare Award, Xiliga La Bilaaway Iyo Iskoorada U Yaalan Xidigaha Qaar Wax Badan Ka Ogow (+Sawiro)

 

Abaal Marinta Filmfare Award waa waa abaal marinta ugu weyn uguna qiimaha badan ee la siiyo dadka fanka hindiya ka shaqeyaan.

Marka laga soo tago abaal marinta dowlada India bixiso guud ahaanteda Filmfare Award waxay noqoneysa abaal marinda shirkadaha caadiga ah bixiyaan mida ugu qiimaha badan oo shaqsi walba fanka hindiya ka tirsan ku riyoodo siduu ku hanan lahaa.

Shirkadan waxaa la aas aasay sanadkii 1952 waxaana aas aasen oo leh dad koox ah kuwaaso islaleh magac ahaana la baxeen xiligaa The Times Group balse waxay bixinta abaal marinta bilawday sanadkii 1954 waxaana xusid mudan in sanadkaan shirkadan qabatay xaflad balaaran oo ay ku gudoonsinayaan xidigaha Bollywoodka katirsana kuwooda qaab jiliinka iyo shaqada wacan la yimaaden.

isla sanadkaan waxay shirkadan gudoonsiisay abaal marinta kowaad ee qeybta atooraha ugu wanaagsan Super Star Dilip Kumar kaasi oo noqday atoorihi ugu horeyay taariikhda India ku guulesta abaal marinta atooraha ugu wanaagsan Bollywoodka.

Wixii markaas ka dambeyay si toos ah ayee shirkadan u howl gashay sanad walbana waxay abaal marisa shaqsiyaadka fanka hindiya ka tirsan, abaal marinada ay bixiso sanad walba waxaa kamid ah, atooraha ugu wanaagsan, atirishada ugu wanaagsan, Filmka ugu wanaagsan, Filmsameyaha ugu wanaagsan, Atoore caawiyaha ugu wanaagsan, Atirisho caawisada ugu wanaagsan iyo kuwa kaloo badan.

Filmdfare Awards waxaa maanta la qaban doona markii 63-aad waxana lasoo bandhigi doona saacada nagu soo aadan guulestayaasha abaal marintaan maadama an horey idiin kula wadaagnay u tartamayasha waxaana lafilaa maanta ilaa caawa fiidki in lasoo bandhigo guulestayaasha maadama maanta xaflada ay dhaceys.

Iskoorada Filmfare Awards Diiwaangalisay Kuwaaso Qaar Kamid Ah Xidigaha Bollywoodka U Yaalan:

Filmfare Awards waxa u keydsan iskooro fara badan waxaana idin heynaa iskoorada ugu waaweyn ee shirkadaan ka dhigeen xidigaha caanka ah.

Iskoorada Qeybta Atoorayasha:

Atoorayasha Ugu badan ee biladan ku guulesten qeybta atooraha ugu wanaagsan waa Dilip Kumar iyo Shah Rukh Khan waxayna heestaan iskoor ah min 8 jeer oo ay ku guulesten qeybta atooraha ugu wanaagsan (Best Actor).

U tartamaha ugu badan ee biladaan u tartamay qeybta atooraha ugu wanaagsan waa Mega Star Amitabh Bachchan waxaana u yaala iskoor ah 32 jeer oo uu u tartamay atooraha ugu wanaagsan (Best Actor).

Atooraha ugu badan ee u tartamay biladaan sanado isku xigaan oo aan kala goos lahen waa Aamir Khan (1989-1997)waxaana u yaalo iskoor ah 9 sano oo isku xigto ayuu biladaan u tartamay qeybta atooraha ugu wanaagsan (Best Actor) waxaana xusid mudan in markii 9-aad uu ku guulestay abaal marintaan taasi oo ka dhigan in markiisi kowaad uu ku guulestay asigoo 8 jeer u tartamay  isku xigto waxuna marki kowaad ku qaatay biladan filmkiisa Raja Hindustani sanadkii 1997.

Atooraha hal sano gudaheeda tirada ugu badan ugu tartamay abaal marintaan qeybta atooraha ugu wanaagsan waa Amitabh Bachchan sanadkii 1973 3 jeer ayuu u tartamay sido kale sanadkii 1983 3 jeer ayuu u tartamay waxaana Big B soo labeeya Shah Rukh Khan oo asna sanadkii 2005 tiro 3 jeer ah u tartamay biladan qeybta atooraha ugu wanaagsan waana hal sano gudahed waxaan ka hadleeno waana iskoor u yaalo xidigahan.

Amitabh Bachchan waxuu noqday atooraha ugu weyn cimri ahaan ee biladan ku guulesta waxaana iskoor ahaan u yaalo xidigaan in markii ugu dambeysay ee uu biladan ku guulesanayaye qeyba atooraha ugu wanaagsan uu da’ ahaan jiray 67 sano mana jiro atoore taarikhda fanka hindiya isagoo duq ah ku guulestay biladaan qeybta atooraha ugu wanaagsan waana iskoor u yaalo Big Bachchan waxuuna iska celin karaa dhalinta maanta sido kale iskoor kale ayaa u yaalo maadama uu noqday utartamaha ugu faca weyn taariikhda fanka hindiya una tartama bilada atooraha ugu wanaagsan isagoo 74 sano jiro.

waxuuna u tartamay biladaan markii ugu dambeysay sanadkii hore qeybta atooraha ugu wanaagsan filmkiisa Pink waxuuna jiray markaas 74 sano waana ninka da’ ahaan ugu ee biladan u tartama waana iskoor kale oo xidigaan u yaala.

Rishi Kapoor ayaa noqday atoorihi ugu yaraa da’ahaan ee taariikhda fanka hindiya markii ugu horeysay ku guulesta biladan waxuuna xiligaas jiray 21 sano Rishi filmkisa Bobby ayuu ku qaatay atooraha ugu wanaagsan sanadkii 1973 isagoo 21 sano jiro mana jiro taariikh ahaan atoore da’daas jiro oo ku guulestay abid bilaadan waxuuna Rishi noqday atoorihii ugu dhalinsana ama ugu yaraa ee biladan hanta.

Darsheel Safray ayaa iskoor kale keenay sanadkii 2007 waana wiilkii yaraa ee ku jiray filmkka Taare Zameen Par waxuuna sanadkaan ugu tartamay qaab jiliinkisa wacnaa ee filmkaan isagoo da’ahaan jira xiligaas 11 sano.

Waxuuna noqday atooraha ugu yaraa ee biladan utartama balse aan ku guuleysan waana iskoor Darshil u yaala.

Lasoco Qeybta Xigta Iyo Iskoorada Atirishooyinka U Yaalan Ee Lama Taabtanka Ah