Tani Waa Atariishada Ugu Awoodda Badan Dalka India : Alia Bhatt Oo Labo Sano Gudahood Ku Samayn Doonta 7 Filim Ugu Weyn Dalka India Iyadoo La Shaqayn Doona Salman Khan Ranbir Kapoor iyo Ram Charan

Alia Bhatt mudo 7-sano ah ayay fanka Hindiya ka tirsan tahay hadana waxay noqotay atirisho awood badan guushana u saaxiibka ah sidoo kalena shaki kuma jiro saldana Bollywood-ka inay Deepika Padukone mustaqbalka dhow kala wareegi doonto.

Alia Bhatt waxa ay fanka kusoo biirtay sanadkii 2012 iyadoo kusoo caan baxday filimka Semi Hit ka noqday ee Student Of The Year ka dib Alia waxa ay cagta la heshay wadadii guulaha iyadoo xiligaas ka dib samaysay aflaamo guuleystayn sida 2 State, Badrinath Ki Dulahania, Raazi ,Gully Boy iyo kuwa kale oo badan

laakiin Alia Bhatt ayaa markan waxa ay gacanta ku dhigtay wax la dhihi riyo xitaa mararka qaar lagu arkin hurdada maadaama atariishadan 8 bilood ee ugu dambeesay ay saxiixatay 7 filim kuwaaso lagu tilmaamaayo aflaamta ugu waa weyn ee taariikhda fanka india

Takht

Atariishadan ayaa waxa goor dhow ay duubis ku bilaabi doonta filimka taariikhiga ah ee Takht kaaso uu iska leeyahay Karan Johar halka ay qayb ka yihiin aktarada kala ah Anil Kapoor , Kareena Kapoor , Ranveer Singh , Vicky Kaushal iyo aktaro kale waxaana la daawan doona 3 may 2020

Inshallah

iyadoo Alia Bhatt ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday inay qayb ka tahay mashruuca weyn ee Inshallah kaaso uu Hogaamiye ka yahay aktarka ugu awoodda badan xiligan bollywoodka Salman khan halka uu Director ka yahay ninkii sameeyay Bajiro Mastani iyo Padmaavat Director Sanjay Leela Bhansali

RRR

intaas kuma eka mucjisada ay sameenayso atariishadan waxaana dhacdadan kasii horeesay markii todobaadkii hore ay Alia ku dhawaaqday inay qayb ka tahay mashruuca weyn ee uu iska leeyahay Ssrajamouli kaaso ah Director-kii sameeyay Baaahubali labadiisa qaybood sidoo kalena ay hogaaminaayeen labada aktar ugu Awoodda Badan Telegu ee kala ah Ram Charan iyo jr NTR

Kalank


waxaana Alia Bhatt dhawaan usoo bixi doona  Kalank kaaso dhawaan la daawan doono waana mashruuc taariikh ka  sheekaynaayo waxaana hogaamiye ka ah aktarada kala ah Varun Dhawan , Alia Bhatt, Sanjay Dutt, Mandhuri Dixit, Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur kaaso la daawan doona 17 bishan april

Brahmastra

Sidoo Kale Atariishadan ayaa waxa ay hore shaqo ugu waday filimka weyn ee Brahmastara  kaaso laysugu keenay aktaro waa weyn sida Ranbir Kapoor iyo Amitab Bachchan waana mashruuc taariikhi ah kaaso la daawan doona 20 December sanadkan 2019

Alia Bhatt ayaa sidoo kale u qorsheesan inay shaqo duubis ku bilaabi doonto filimka Sadak 2 kaaso uu Director ka noqon doono Aabaheeda Mahesh Bhatt waana filim weyn oo ay qayb ka yihiin Sanjay Dutt iyo walaasheeda Pooja Bhatt kuwaaso hore u sameeyeen qaybtiisa kowaad  waxaana mashruucan la daawan doona 2 november ee sanadkan 2019

sida xaqiiqda ah Alia Bhatt waxa ay noqon doonta Atariisho ugu awooddda badan bollywoodka maadaama ay sameenayso mashruucyo qaali ah.