Tani waa qisadii wiilkii dhurwaaga u ekaa misna hindiya ku noolaa. Qiso xanuun badan. Sawiro.

 

Wiil arday ah oo Hindiya u dhashay ayaa wuxuu la dhibtoonayaa xaalad nadir ah oo loo yaqaano ‘werewolf syndrome’  kadib markii wajigiisa timo buuxiyeen.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Lalit Patidar ayaa waxaa lagu dhalay dalka India waana 13 jir kaasoo la dhibtoonayo timo aad u badan oo wajiga iyo jirka kalaba uga soo baxeen sida ay qortay wargeyska Daily Mail maalinimadii jimcaha.

Waa arday dadaal badan sidoo kalana Schoolka uu dhigto caan ka ah waxaana intaas u sii dheer inuu muuqaalkiisa ku qanacsanyahay , hase yeeshee dadka aanan garaneynin marmarka qaar wey tuuryeeyaan iyagoo ugu yeero daayeer sida uu sheegay.

Asigoo xaaladaas ku jiro ayuu hadana wiilkaasi ku riyoonayaa inuu maalin uun noqdo askari booliis ah isla markaasna tuugada iyo dambiilayaasha xabsiga u taxaabo.

Wiilkaan ayaa wuxuu yiri; “waxaan ku dhashay iyadoo wajiga timo badan iiga yaalaan taasoo iga dhigeyso mid dadka kale ka duwan, mararka qaar waxaan jeclaadaa inaan noqdo sida ilmaha kale hase yeeshee waxba kama qaban karo oo ma noqon karo, sidaas darted xaaladaan waan la qabsaday waxaana badanaa ahay mid ku qanacsan”

Hooyada wiilkaan oo saxaafada la hadleysay ayaa waxay tiri; “ saacad kadib markii aan dhalay waan la yaabay maadaama aan arkay timaha aadka u badan ee jirkiisa ka muuqdo waxaana dagdag uga dalbanay dhakhtarkii ilmaha inuu baaritaan wiilka ku sameeyo asigoo ka jaray  timihii aadka u dheedheeraa wuxuuna noo sheegay in wax daawo uusan laheyn cudurkaan”

Iyadoo hadalkeeda kusoo xirtay “asiga waa mid dadka kale ka soocan laakiin aniga wali wuxuu ii yahay mid dadka dhan iiga qiimo badan waayo waxaan dhalay asiga kadib duco dheer”

Hoos ka daawo sawirada