Tanushra Dutta Oo U.S.A Dib Ugu Noqoneysa Kadib Ragg Badan Oo Ay India Ku Fadeexesatay!!

Atirishada caanka ah Tanushra Dutta ayaa dib ugu noqoneysa dalka marekanka mudo dheer oo ay joogtay dalkeeda India sido kalena ay galka ka dhigtay shaqsiyaad caan ah oo Bollywoodka katirsan.

Tanushra sanadkii 2018 wacdaro weyn ayee dhigtay waxay hilfaha u qaaday jilaaga caanka ah Nana Patekar kaaso ay ku eedeysay fara xumeen waxayna sheekadan soo bilaawatay sanadkii 2008.

Tanushra iyo Nana waxay wada duubayeen filmka Horn Ok Please filmkaaso ay Tanushra ku leheed muuqaal marti ah qaasatan hees gaar ah balse waxaa la sheegay in Nana ka faaidestay xidigtaan sido kalena gacma gacmeen la galay.

Balase wey xamili weysay hab dhaqankaas foosha xun ilaa ugu dambeyn ay isaga baxday mashruuca dhan iyo heeskii ay u duubi leheed India ayee timid sanadkii hore tv-yada caanka ah ayeena ku ceebeysatay Nana Patekar iyo ragg kale.

Mudo ayee hadal heyntan socotay ilaa laga aas aasay barnaamijka Me Too Movement oo dumar badan ku dhiira deen gobood fal loo geestay inee cadeyaan waana idiin la wadaagnay fadeexooyinkii soo shaac baxeen.

Hadaba atirishada markee India hadal heyn weyn ka abuurtay sido kalea ragg caan ah ceebtoda shaaca ka qaaday waxay goaansatay inee Marekanka dib ugu noqoto maadama halkaas deegankeeda yahay dhowaan ayeena duulu doontaa.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*