The Little Khan: Aryan Khan Markan Waxa Uu Diyaar U Yahay Kusoo Biirida Bollywoodka Maadamaa Uu Leeyahay Muuqaalka Aabihiisa Shah Rukh Khan

Aryan Khan waa curadka ama wiilka kowaad ee ay dhaleen xidigaha caanka ah Shah Rukh Khan iyo Gauri Khan Aryan waxuu kamid yahay caruurta ay dhaleen xidigaha caanka ah ee xili walba sawir qaadayaasha daba socdaan sawiro na kasoo qaataan tiro maleh inta jeer ay sawiro ka qaadeen wiilkan.

waxaana xilli walba saxaafada ay hadal-haysa xiliga uu wiilkan soo biiri doono bollywoodka maadaama u dhalay halyeeyga bollywoodka shah rukh khan

Aryan Khan ayaa dhawaan waxa sawiro soo jiidasho leh uu soo dhigay bartiisa Instagramka xilli uu ku sugnaa dalka ka mid ah dalalka qaarada yurub sidoo kale Aryan waxa uu si weyn usoo jiitay dadka ku xiran bartiisa Instagramka

kuwaaso kula taliyeen inuu kusoo biiro bollywoodka maadaama ay sheegayn inuu leeyahay soo jiidashada iyo quruxda aabihiisa shah rukh khan

Bollywood King Khan Shah Rukh Khan ayaa in badan la hadal hayey wiilka uu dhalay ee Aryan khan inuu Bollywoodka soo gali doono sido kalena kamid noqon doono jiilka dambe ee Bollywoodka hogaanka u qabtaan.