Tiger Shroff Oo Ka Yaaban Awoodda Salman Khan Ayaa Waxa Uu Doonaya Inuu Weydiiyo Hal Su’aal Oo Cajiib Badan

Tiger Shroff waa mid ka mid ah aktarada dhalin-yarada ee bollywoodka kuwooda ugu caansan maadamaa uu mar waliba muujiyo sida uu yahay aktar awood badan

aktarkan ayaa hadda waxa uu dhexda kaga jiraa waayo aad u qurux badan maadamaa filimkiisa ugu dambeeyay ee baaghi inuu gaaray darajada blockbuster isagoo soo xareeyay lacago dhan 160 core

sidoo kale Tiger Shroff ayaa sanadkan 2019 waxa uu doonaya inuu mar kale uu qabsado shabakada boxx office india maadama uu u diyaarsan yahay labo filim oo waa weyn kuwaaso kala ah student of the year kaaso la daawaday sanadkii hore 10 bisha may iyo filimka aan magaca loo bixin oo ay isla leedahay shirkada yash raj films kaaso ay isla wadayn aktarka Hrithik Roshan

Tiger Shroff ayaa dhawaan waxa uu booqday Studio Bollywood Hungama si uu xayeesiin ugu sameeyo filimkiisa Student Of The Year 2 waxaana halkaas uu ku bixiyay wareysi xiiso badan inta lagu guda jiray wareysiga ayaa waxaa Tiger Shroff la weydiiyay haddii ay jirto inuu doonaayo inuu su’aal weydiiyo mid ka mid ah aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka  sida aktarka Salman Khan

Tiger Shroff ayaa sheegay Inuu doonaayo inuu  Salman Weydiiyo Hal Su’aal isagoo su’aashaas ku sheegay “mundane Salman sidee ayuu ku dhacdaa in Salman Khan filimkiisa flop ah uu keeno lacago ka badan 100 crore sababtoo waxan ognahay haddii aflaamtaa qaar ay gaaraan natiijada blockbuster xitaa qaarkood aysan awoodin inay keenan 100 crore”

waana dhacdo dhab ah sida Tiger Shroff filimkisa sanadkii hore wacdaraha dhigay ee Baaghi kaaso gaaray darajada blockbuster inuu ka lacago yar yahay Salman Khan filimkiisa Race 3 kaaso noqday kaliya Semi hit madaama Baaghi uu soo xareeyay 160 crore halka Race 3 uu soo xareeyay 166 crore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*