Total Dhamaal Oo Ganacsi Ahaan La Tartamaayo Gully Boy Iyo Luka Chuppi Sabtigooda Labaad!!

Filmka Total Dhamaal oo tiyaatarada saaran todobaadkiisa sedexaad ayaa la bar bardhigaayo ganacsi ahaan filmada Gully Boy iyo Luka Chuppi oo todobaadkodii labaad tiyaatarada saaran taasina waxaa u sabab ah daawadayaasha oo wali xiiseynayaan filmkaan shactirada dhameestiran leh.

Total Dhamaal sabtidiisa sedexaad waxuu keenay 2.59 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday waana ganacsi heer sare ah isago loolan adag kujiro misane todobaadkiisa sedexaad ku guda jiro ayuu ganacsigan adag sameeynayaa.

Wadarta guud hader waxuu ku dhowyahay 133 Crore waxuuna sabtigiisa sedexaad la bar bardhigay ganacsiga filmada Gully Boy iyo Luka Chuppi fadlan halkaan hoose kaga bogo ganacsiga Total Dhamaal uu ilaa hada gudaha India ka sameeyay soon daabacday shabakada Box-office-ka India..

Todobaadka Kowaad-92.24 Crore

Todobaadka Labaad-36.50 Crore

Jimco Sedexaad-1.50 Crore

Sabti Sedexaad-2.59 Crore

Wadarta guud-132.74 Crore (Trade Figure)

Dhank kale filmka Luka Chuppi ganacsi wacan ayuu sameeyay maadama hader wadarta guud ganacsigiisa uu sarre u dhaafay 60 Crore inkastoo sare ukacii la filaayay sabtigiisa labaad uusan sameynin hadii uu sare ukac waali ah sameeyn lahaa waxaa jiri lahed rajadii ahed inuu 100 Crore gaaro cimir ahaantiisa.

Balse hader fikirkas meesha waa ka baxay waxaana laga qayaas qaatay sabtigiisa labaad ganacsiga uu sameeyay iyo in uusan darajadan gaari doonin wadarta guud hader ganacsigiisa waxuu marayaa 60.20 Crore (Trade Figure) waana mudo 9 maalmod ah….

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*