Uri sabtigiisa shanaad wuxuu keenay 2.75 Crore iskoorkii Bahubali 2 ee sabtigiisa shanaad 2.50 Crore waa laga tilaabsaday!!

Mararka qaar wey dhacdaa in filim si waali ah Boxoffice-ka u qabsado laakiin marka aan dib u raacno taariikhda qarnigan 21-aad ku xeen daaban kaliya Gadar Ek Prem Katha iyo Bahubali The Conclusion ayaa ah labo filim iskoorada ay Boxoffice-ka ka sameeyeen cidna la tartami karin laakiin haatan filim sedexaad ayaa soo baxay waana Uri – The Surgical Strike!

Filimka Uri – The Surgical Strike ayaa ku jiro xaalad riyo ku dheehan madaama sabtigiisa shanaad uu filimkan keenay 2.75 Crore (Trade Figure) waana iskoor cusub taariikh ahaan ma dhicin filim lacagtaan inuu keeno sabtigiisa shanaad!

Halyeega filimada Bahubali 2 wuxuu sabtigiisa shanaad keenay 2.50 Crore waxaana haatan ka tilaabsaday Uri – The Surgical Strike oo 2.75 Crore keenay sabtigiisa shanaad waa arin muujineyso Uri inuu yahay filim mucjisadiisa dhanka Boxoffice-ka inaysan dhamaad laheyn!

Filimka Uri wuxuu ilaa haatan soo xareeyay 205.35 Crore (Trade Figure) mudo 30-maalmood uu tiyaatarada saaran yahay mana ahan filim hakanaayo waxaana muuqato in xitaa filimada waa weyn ee masraxa lasoo saarayo Gully Boy (14 Feb) iyo Total Dhamaal (22 Feb) uu tiyaatarada la qeebsan doono waana macquul inuu gaaro 230 Crore!

Fadlan hoos kaga bogo mudo 30-maalmood ah filimka Uri – The Surgical Strike ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 71.23 Crore

Todobaadka labaad – 62.76 Crore

Todobaadka sedexaad – 37.06 Crore

Todobaadka afaraad – 29.30 Crore

Jimco shanaad – 2.25 Crore

Sabti shanaad – 2.75 Crore

Wadarta Guud – 205.35 Crore (Trade Figure)

F-G: Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*