Varun Dhawan Iyo Alia Bhatt Oo Wali Ku Guda Jiraan Duubista Filmka Kalank!!

Xidigaha caanka ah Varun Dhawan iyo Alia Bhatt ayaa ku mashquul san mashruuca weyn ee Kalank kaaso duubistiisa gabo gabo mareyso waxaana la daawan doona sanadkaan 2019.

Kalank waxaa wada jilayaan Varun Dhawan, Alia Bhatt, Sanjay Dutt, Madhuri Dixit, Aditya Roy Kapur iyo Sonakshi Sinha waana mashruuc arimaha qoyska ka hadlaayo xiiso weyna leh sida la sheegay.

Karan Johar ayaa Director ka ah hadaba xidigahan ayaa u duuleen maanta Gwalior si ay ugu soo duubaan filmkooda inkastoo markaan duubistiisa soo idlaan rabto.

Sawiro ayaa laga soo qabtay iyagoo kasii amba baxayaan Airport-ga Mumbai saaka subaxii hore waxaan sugnaaba waa bandhigooda 19 April sanadkan 2019 fadlan halkaan hoose ka dawo sawirada xidigahan laga soo bandhigay.