Varun Dhawan Iyo Sara Ali Khan Oo Coolie No.1 Dib U Sameeyn Doonan!!

Hubaal ahaan Varun Dhawan waa atoore film gadi karo waqtigaan mashruuc nooc walbana lagu aamini karo waa atoore Box-office-ka maqaam sare ka gaaray iskoor waxaa u yaalo mashruuc ka guul dareestay in usan jirin ilaa hada.

Dhanka kale Sara Ali Khan oo ah gabadha uu dhalay Saif Ali Khan ee sanadkii hore 2018 Bollywoodka soo gashay waxay durba noqotay atirisho magaceeda daafaha caalamka ku baahay 2 film ayee isku xigsatay oo guulo wacan gaareen.

Waliba filmkeeda 2-aad Simmba si fudud ayuu Blockbuster ku noqday waana mashruuc ay ku faani doonto abid ilaa hadana tiyaatarada ayuu saaran yahay ganacsi lixaadlehna wuu sameeynayaa.

Waxaa la sheegay labadan xidig inee dib u sameeyn doonan filmka Super Hit-ka noqday ee Coolie No.1 kaaso bartamihii 90-maadkii ay wada sameyeen Govinda iyo Karisma Kapoor haatana Varun iyo Sara aya dib u cusbooneysinayaan.

Wararka ayaa sheegayan in xidigahan mashruucan ogolaadeen dib u sameeyntisa balse wali si rasmi ah loo ma shaacinin waxaana Director ka noqon doono David Dhawan kaaso qeybtii horeba isaga Director ka ahaa.

Dabcan Varun iyo aabihiis David waxay isla fahmeen dib usameeynta filmadooda hore inee guulo wacan ka gaari karaan soo xasuuso 2017 Judwaa 2 ayee la imaadeen oo Super Hit noqday.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*