Home Nolosha Jilayaasha Varun Dhawan oo isha ku haya in shaqo aan filim-jilista aheyn uu...

Varun Dhawan oo isha ku haya in shaqo aan filim-jilista aheyn uu ka qabto Bollywood, xitaa afkiisa ayuu ka qirtay!

Shan sanno ka hor ayey aheyd markii uu jillaaga fudfudud Varun Dhawan kusoo biiray shirkadda aflaanta Bollywood markaasoo uu kusoo caan baxay filimkii Student of the Year ee Director Karan Johar.

Wixii intaas ka dmabeeyey Varun Dhawan hawadaas ayuu galay wuxuuna sameeyey aflaan ganacsi ahaan guuleystay. Balse Varun wuxuu kasoo jeedaa qoys caan ku ah filimsameynta, waxaa aabe u ah David Dhawan oo ah Director caan ah, halka walaalkiis uu yahay Rohit Dhawan kaasoo isna filimsameeye ah.

Varun Dhawan ayaana haatan daaha ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu noqdo filimsameeye oo uu wax ka maamulo kaamirada gadaasheeda, bedelkii uu mustaqbalkiisa oo dhan ku qarash gareyn lahaa kaamirada horteeda.

Isagoo saxaafadda la hadlayey Varun wuxuu yiri: “Ma garanayo xilliga ay noqon doonto, balse waxaan ku fikirayaa inaan filimsameeye noqdo. Maantase fursaddaasi iima furna, balse waxaa laga yaabaa inaan helo fursad aan kaga shaqeysto kaamirada gadaasheeda”.

Varun filimkiisa xigga wuxuu noqon doonaa ABCD qaybtiisa sadexaad – kaasoo la daawan doono 8 bisha november ee sannadkan 2019




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...