Varun Dhawan Oo U Xanaaqsan Taageerayaashiisa Baraha Bulshada Natasha Dalal Aawged!!

Varun Dhawan ayaa ku guda jira xayeysiin usameynta filmkiisa Kalank kaaso ay la jilayaan xidigo dhowr ah jilaagan ayaa wareysiyo xiiso leh bixinaayey maalmihii u dambeyeen isagoo ka hadlay arimo dhowr ah.

Mid kamid ah saxaafada ayaa weydiyay isaga iyo Natasha xiriirkooda waxyaabo ku saabsan balse Varun waxaadba moodaa inuu sugaayey suaashan maadama wajigiisa xanaaq ka muuqday waxuuna yiri isagoo hadlaayo.

“Aniga iyo Natasha waan is jecelnahay xiriirna waa naga dhaxeya midaasna shaaca ayaan ka qaadnay ma garan karo waxa maalin walba saxaafada naga weydiiso xiriirkan marba hadii shaaca laga qaaday soo ma wanaagsana in qofka noloshiisa gaar ah loo xushmeeyo.”

“Waxaan arkay qaar kamid ah asaxaabta baraha bulshada igala socdaan inee aad u daba dhigteen Natasha soo ma ogidiin inee xushmad idinka mudantahay Natasha hadiiba aad aniga I xushmeysaan maxaa loogu mashquulaa qof shaqsi ah fadlan xoriyad siiya qofka sawiradeeda udhaafa iyo dabagalka aad ku heysaan iyo waliba suaalaha maalin walba soo noqnoqdaan.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*