Vicky Kaushal Oo Deepika Padukone Ugu Yeeray Magaca ‘Bhabhi’ (Dumaashi) Iyo Jawaabtii Ay Ka Bixisay Xidigtaan!!

Lamaanaha caanka ah Ranver Singh iyo Deepika Padukone ayaa dhowaan ka qeyb galeen xaflada caanka ah ee sanadlaha loo qabto Zee Cine Awards 2019 taaso ay abaal marino badan kasoo aruursadeen.

Sido kale oraahyo cajiiba ayee masraxa dushiisa ka jeediyeen xili abaal marinta la gudoonsiinayey balse intii ay goobta kusugnaayeen waxaa ku camirteen Vicky Kaushal iyo Kartik Aryan oo xaflada daadihinayeen.

Lamaanahana ayaa goobta jaceyl ku muujiyeen maadama Vicky iyo Kartik xasuus hore galiyeen iyo sawirada arooskooda oo goobta lagu soo bandhigay balse Vicky oo la kaftamaayo Deepika waxuu si lama filaan ugu yeeray magaca “Bhabhi” oo micnihiisa yahay Dumaashi.

Bhabhi waa erey hindi ah waxaana la dhahaa walaalkada xaaskiisa ama saaxiibkaada xaaskiisa (Dumaashi) balse magacan Deepika kama helin oo xishood iyo diidmo isku jirto ayee muujisay markuu Vicky sidaa dhahay.

Waxay ugu jawaabtay iyadoo masraxa saaran dadka oodhana wada daawanayaan,”jooji Vicky ha iigu yeerin magacaas” kadib kaftan badan iyo qosol badan oo goobta ka dhacday DeepVeer wey kasoo dageen masraxa.

Deepika xishood miyee ka ahed mise in dumaashi ladhaho ayee diidantahay oo loo aqoonsado xaaska Ranver Singh oo caannimadeda goobta ka baxdo kkk kkk waa suaasha saxaafada is weydiinayaan..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…