Vidya Balan Iyo Waayahedi Bilawii Bollywoodka Marxaladii Ugu Xumeyn Ee Soo Martay!!

 

Shirkadda Hollywood ee dalka Mareykanka ayaa waxaa dhowaanahaan kasoo baxay shaqsiyaad caan ah kuwaasoo sheegay in lagu sameeyey falal anshax xumo ah markii ay ku cusbaayeen shirkaddaan – xitaa atariishooyin waa weyn ayaa caddeeyey in lagu qasbay inay sariir rag la wadaagaan si ay shaqo u helaan.

Bollywood-ka India sidaas oo kale dad sheegaya ayaa kasoo baxay, haatan atariishada weyn Vidya Balan ayaa daaha ka qaaday inay waayo adag soo martay maalmaheedii bilowga Bollywood maadaama la takooray.

Vidya Balan ayaana daaha ka qaaday inay aragtay takoor dhanka shaqada ah, isla markaana waxay ugu baaqday dad kale inay sheegaan wixii ku dhacay.

Vidya Balan ayaa laga soo xigtay: “Shirkadda Bollywood aniga ahaan si wanaagsan ayaan uga shaqeystay. Waxaan ahay qof madax adag.

“Laakiin dhanka shaqada waa la i takooray maalmaheygii ugu horreeyey ee Bollywood. Xaqiiqaduna waxay tahay inaan ka carooday.

“Dadka qaarkood ayaa kugu xujeynaya inay ku shukaansadaan si ay kuu siiyaan shaqo filimkooda ah. Atooreyaasha ayaa la siiyaa ixtiraam ka sarreeya atariishooyinka ah marka la joogo halkaan Bollywood.

“Iyaga ayaa la siiyaa gawaari qurux badan marwalba, iyaga ayaa la dejiyaa hoteello waa weyn marwalba. Dadka ayaana kuu sheegaya marka aad arrintaan wax ka weydiiso waa inaad sheekada la socotaa”.