Vidya Balan ” Waxaan Ahay Haweeneyda Dunida Ugu Qurxoon Dunida” Ma Sidee Isla Jeceshaha Tolow?

Xiddigta caanka ah ee reer Hindia ee Vidya Balan ayaa sanadkii 2014 barnaamijka This Is My Story ka sheegtay in ay tahay haweeneyda ugu qurxoon dunida sida ay isu aragto .
Vidya Balan ayaa intaas sii raacisay in saaxadda cinema-da ay ku soo gashay dadaal shaqsiyaded isla markaana jirin cid ku garab gashay oo aan Alle aheyn illaa ay ka mid noqotay xiddigaha ugu caansan Bollywood-ka
Waxa ay xustay Vidya Balan in markii ugu xumeyd nolosheeda ay aheyd markii soo saare filim uu ka doortay badelkeeda gabar jilaa kale aheyd taasi oo keentay in ay dareento in ay aad u fool xun tahay .

Vidya Balan ayaa xustay in aayaheeda fanka Cinema-da ay ku soo gashay qaar ka mid ah xayaysiino ay sameeysay taasi oo albaabka u furtay in ay xiddigad noqoto.

Dhanka kale maanta ayee u dabaal dageysa sanad guuradeeda dhalasho maadama ay dhalatay maanta oo kale 1 Janaayo sanadkii 1975 waxayna maanta si rasmi ah u jirsatay 40 sano cimri ah..