Vivek Oberoi ayaa waxa uu 9 waji ama muuqaal oo kala duwan ku jili doona filimka looga hadlaayo nolosha Ra’iisal wasaaraha dalka india PM Marendra Modi

Filimka PM Narendra Modi waxaa hogaamiye ka ah Vivek Oberoi oo shaashada ku matalaayo nolosha Ra’iisul Wasaare Modi halka Omung Kumar uu Director ka yahay sidoo kalena Sandip Ssingh, Anand Pandit iyo Suresh Oberoi ayaa soo saarayaal ka ah.

Vivek ayaa filimkan ku jilaayo Ra’iisal wasaare Marendra isagoo adeegsan doono 9 waji ama muuqaal oo kala duwan kaasi oo u ah nolosha PM Marendra Modi inta  dhaxeysay 25-jirkiisa ah ilaa 68 jirkiisa

Filimkan looga hadlaayo nolosha PM Narendra Modi waxaa  haatana shaaca laga qaaday in la daawan doono 12 April 2019 sidoo kale waxaa filimkan doorar muhiim ah ku leh Rajendra Gubta

kaaso filimkan ku jili doono Ra’iisal Marendra Modi aabihiisa kaaso loo yeelin doona muuqaalo kala duwan kuwaaso ku saabsan marxaldihii kala duwana uu soo maray

iyadoo maanta sawirkan uu baraha bulshada soo dhigay qabiirka dhanka Aflaamta Taran Adarsh isagoo sheegay in aktarka Vivek uu adeegsan Make Up kala duwan

madaama laga doonaayo inuu isku ekaysiiyo muuaqaalo kala duwan kuwaaso u shabaha muuqaalka Ra’iisal wasaaraha isagoo laga rabao inuu saacado badan Make Up kala duwan u marsanaado si uu doorkiisa kaga run sheego