Vivek Oberoi Oo Doonayo Inuu Ka Raali Gareeyo Salman Khan Dagaalkii 16-ka Sano Jirsaday!!

Salman Khan iyo Vivek Oberoi mudo 16 sano ayuu dagaal ka dhaxeeyay waxuuna khilaafkooda ka bilawday markii Vivek xiriir la sameeyay Aishwarya Rai oo Salman Khan xiligaas kasoo tagtay kadib markee Vivek iyo Aish xiriir cusub bilaawdeen ayaa waxaa dhacday in Salman arinkaas ka xanaaqo.

Wareysi ayuu Vivek ku sheegay in Salman taleefaanka gacanta ugu hanjabay iyo inuu ka haro nolosha Aish wixii wareysigaas ka dambeyay Vivek mustaqbalkiisa Bollywoodka iyo noloshiisa gaarka ahba is bedel weyn ayaa kudhacay heer Aishwarya isaga tagto Vivek ugu dambeyna Abhishek ka raacdo.

Hadaba Vivek oo maalmahan xayeysiin u sameynaayey filmkiisa nolosha Raiisul wasaaraha hindiya looga hadlaayey ayaa suaal xasaasi ah la weydiiyay waxuuna goobta ka sheegay inuu jeclaan lahaa cafis inuu weydiisto Salman Khan.

Waxa la weydiiyay suaashan,”suaal noocee ah ayaad weydiin leheed Salman Khan hadii aad fursad u hesho in aad suaal weydiiso si waji ka waji ah” waxuu ku jawaabay Vivek sida tan,”waxaan weydiin lahaa Salman cafiska ma aaminsantahay oo ma is cafinaa labadeena qofba qofka kale.”

Jilaagan ayaa diyaar u ah inuu iska ilaawo khilaafkii mudada 16-ka sano soo socday wax walbona wanaag loo bedelo hadaba si sarbeeb ah ayuu cafis hader kaga dalbaday Sallu maadama Salman wareysigan daawan doono.

Suaasha meesha taalo ayaa ah Salman maxuu ku jawaabi doona ileen saxaafada oo war jecel hadalkaan ayee weydiin doonaan Sallu ma aqbali doonaa dalabka Vivek mise wuu ku adkeeyn doonaa…

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*