Waa Kuma Arjun Bijlani (Deep) Atooraha Musalsalka Ishq Mein Marjawan (Jaceyl Dilaa Ma Noqdaa) Wax Ka Ogow Nolosha Jilaagan (+Sawiro)

Arjun Bijlani waa mid kamid ah atoorayaasha Tv-yada dalka India k shaqeyaan kuwooda ugu caansan ee hader magacooda daafaha caalamka ku baahay, jilaagan doorkisa ugu caansan intuu fanka kujiray wa Deep Raj Singh ee uu kujilay musalsalka Ishq Mein Marjawan.

Ishq Mein Marjawan (Jaceyl dilaa ma noqdaa) waa musalsal si weyn hader daafaha caalamka looga daawado dhank Tv-yada Soomaalidana si weyn ula socdaan waxaana la jilayaan Alisha Panwar (Tara) iyo Nia Sharma (Aarohi) iyo kuwa kale oo badan.

Hadaba jilaagan waxuu dhashtay 31 October 1982 haderna waa 36 jir awood balaaran kuleh dhanka Tv-yada waxuu dhanka waxbarashada ku taqasusay kuliyada Economics isagoo shahaado Master ka heesto.

Musalsakiisa ugu horeyay waxuu ahaa Kartika kaaso la daawaday sanadkii 2004 halka filmkiisa ugu horeyay ee Bollywood ah uu ahaa Direct Ishq waxaa kaloo kamid ah musalsalada uu kasoo muuqday sida Naagin, Naagin 2, Left Right Left iyo kuwa kale oo badan.

Arjun qoyskiisa waa reer Mumbai magaalka Mumbai ayuuna hader ku nool yahay xidigaan bishii May sanadkii 2013 ayuu guursaday gabadhii ay mudada dheer saaxiibada ahaaeyn waxayn u heysaa wiil 2015 u dhashtay kaaso lagu magacaabo Ayaan Bijlani halka xaaskisa lagu magacaabo neha Swami.

Waa atoore hadana ganacsade caan ah ka ah gudaha India aabihiis waxaa lagu magacaab Sudarshan Bijlani halka hooyadiisna lagu magacaabo Shakti Bijlani waana nin diinta hinduga heesta.

Arjun xidigaha uu Bollywodka ka taageero waxay kala yihiin Akshay Kumar, Aamir Khan, Irrfan khan, Nawazuddin Siddiqui, Deepika Padukone iyo Priyanka Chopra halka aflaamta uu Bollywoodka ka xiiseyo ay kamid yihiin 3 Idiots, Yeh Jawaani Hai Deewani, Dangal iyo kuwa kale oo badan.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.