WAA KUMA DR. ZAKIR NAIK: Maqaal Xiiso Badan

Waxaa Qoray: Abdirashid Mohamud Nor

Zakir Naik. Dr: Zakir Abdulkariim Naik Wuxuu ku dhashay Magaalada Mumbai, Gobolka Maharashtra ee Wadanka India – Taariikhdu markey aheyd 18th Oct 1965.
Waa daaci diinta Alle “SWC” ku baaqa iyo Tawhiidka oo ah U-gaaryeelida cibaadada Alle kaligiis, Wuxuu sheekhu Wax kabartay kana qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga caafimaadka iyo qaliinka (Medicine & Surgery) Jamacada Mumbia (University of Mumbai ).

QOYSKIISA:
Dr: zakir Naik wuxuu leeyahay hal-xaas oo la yidhaa Farhat Naik iyo wiil iyo gabadh kuwaas oo kala ah, Fariq Naik iyo Rushdaa Naik, oo dhamaantood ku hawlan u adeegida diinta Islamka.

YAA DHIIRIGALIYAY:
Sida uu sheegay Zakir sanaddii (2006) waxa dhiiri galiyay Sh Ahmed Deedaat oo dhalasho ahaan kasoo jeeda waddanka South Africa, Xiligaas oo Dr Zakir Naik uu la kulmay 1987 kii, Wax yaabaha ugu layaabka badan ee wakhtigaa Deedat ugu yeeray Naik waxa kamid ahayd (Deedat Plus).

GOORMA AYUU BILAABAY:
Sanaddii 1991 Wuxuu Zakir Naik bilaabay inuu dacwada gaarsiiyo adduunka, isagoo dhidibada u taagay Xarunta cilmi-baadhistaee diinta islaamka (Islamic Research Foundation) & telefishanka caalimaga ah ee Nabada (Peace Tv), kaasoo Xaruntiisa dhexe ku taal UAE xarumo kalena kuleh magaalada Mumbai/India, lagana daawado Ku dhawaad 200 dal, 24 saacadoodba.

Sidoo kale sheekhu wuxuu aasaasay iskuulka caalimiga ah ee culuumta Islaamka, kaas oo bixiya tacliin bilaasha.
Xarumaha (IRF) & (PEACE TV) ee sheekha waxa halku dhigu ah “Tawhiid, Truth, Justice, Morality, & Wisdom For the whole Of Humankind” oo u dhigmeysa “Ku baaqida tawxiidka, Runta, Cadaalada, Anshaxa Suuban & Xigmada loo abuuray bini’aadamka oo ah cibaadada Rabbigeena”.

Sanadkiiba Halmar Waxa uu qabtaa Barnaamijka caanka ah ee la yidhaah “Peace Conference” shirka nabada, kaas oo ay kasoo qayb galaan Quraada Xaramaynka iyo Boqolaal milyan oo ruux kana soo boqoolay Daafaha Addunka.

Taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa intaan kaliya kuma koobna, balse inyar oo muhiim ah baan kasoo qaadanay.

Fadlan Share Gareey – Lana Wadaag Saaxiibadaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*