Waa kuma filimka ay Karisma Kapoor la jeclaan laheyd walaasheed Kareena inay dib u sameyso

Karisma Kapoor iyo Kareena Kapoor Khan kaliya walaalo ma ahan ee waa saaxiibo aad isku fahansan sidoo kalena Kareena inay fanka kusoo biirto maqaam sare ka gaartana waxaa sabab u ahayd walaasheed ka weyn Karisma oo talo iyo tusaale walbo siin jirtay dhanka Bollywood-ka.

Haatan Karisma Kapoor waxay saxaafada la wadaagtay inay jeclaan laheyd filimkeeda Classic ah Biwi No. 1 (1999) Salman Khan la sameesay in dib loo sameeyo sidoo kalena doorkeedii caanka ahaa walaasheed Kareena Kapoor jisho ayadoo aaminsan in Kareena doorkan 100% ku haboon tahay.

Karisma waxay tiri “Waxaan wada oganahay in haatan Bollywood-ka dib u sameeyaan aflaantii caanka ahayd ee 90-maadkii la sameeyay haddii filimkeygii Judwaa dib loo sameeyay aniga waxaan jeclaan lahaa in filimkeyga kale Biwi No. 1 dib loo sameeyo weliba Kareena Kapoor loo dhiibo doorkii aan aniga Biwi No. 1 ku lahaa.”

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Karisma Kapoor ayaa sidoo kale aaminsan in 90-maadkii uu yahay xiligii ugu dahabsanaa ee Bollywood-ka soo maray waxayna tiri “90-maadkii dhan walbo fanka Hindiya waa midkii ugu dahabi sanaa waayo waxaan heesanay filim sameeyayaal aad u tayo wanaagsan, fanaaniin caan ah oo codkooda dunida ku qabsadeen iyo jilaayaal door walbo sameyn jireen waxaa intaas dheereed in fariimo kala duwan la sameyn jiray sida Action, jaceyl, shactiro iyo arimaha qoyska balse haatan Bollywood-ka ma heli karaan sheeko tayo wanaagsan mana aqaan waxa is badalay!”

Ugu dambeyntii Karisma Kapoor ayaa sheegtay inay Bollywood-ka dib ugu soo laaban doonto dhawaan sidoo kalena jeclaan laheyd inay sameyso aflaan fariimo kala duwan leh lana shaqeyso jilaayaasha caanka ah balse marka hore waa in la helaa sheekooyin soo jiidan karaan Karisma waa sida ay iyada aaminsan tahay xiligaan.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*