Waa kuma Shruti Haasan atooraha ay aaminsan tahay inuu yahay midka ugu wanaagsanaa oo ay la shaqeesay?

Shruti Haasan waa atirisho Hindi ah taasi oo shirkada Bollywood, Telugu iyo Tamil la shaqeyso sidoo kalena xirfad dhanka heesaha ah leh.

Xidigtan waxaa aabo u ah Super Star-ka weyn ee daafaca caalamka caan ka ah Kamal Haasan waxayna ka mid tahay xiligan atirishooyinka ugu saameynta balaaran gudaha Hindiya.

Atariishadan ayaa dhawaan waxa ay ka mid noqotay shaqsiyaad caan ah oo lagu casuumay inay ka qayb-gasho axaflad sannadlaha ah oo ay dhigato ah oo jaamacad caan taaso ku taalo degmada Vellore iyadoo halkaas kasoo jeedisay khudbad dhiiri-gelin ah

Shruti Hassan inta ay ku guda jirtay waxaa su’aal xiiso badan halkaas ku weydiiyay mid ka mid ah ardayda jaamacadaas isagoo weydiiyay Aktarka ay ugu Jeceshahay dhamaan jilaayaasha dalka india?

Atariishadan oo su’aashaas ka jawaabaysa ayaa waxa ay tiri   “Aktarka aan ugu jeclahay waa Ajith sidoo kale waxa uu yahay aktarkii ugu wanaaagsanaa ee aan abid lasoo shaqeeyay ”

waxaana Jawaabta Shruti ka helay dad fara badan kuwaaso ku sugnaa xaflada iyagoo inay sawaxan iyo fooriyo isku daraan sababtoo ah waxaa halkaas ku sugnaa qaar ka mid ah taageerayaasha aktarka Ajith Singh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*