Waa kuma WIILKII UKUNTA ee taariikhda galay kaasoo baraha bulshada iyo caalamkaba qabsaday?

 

Will Connolly 17 Jir Qabsaday Baraha Bulshada Qaasatan Twitter, Will Ayaa Sameeyay Ficil Ay Aad Usoo Dhoweeyeen Dadyow Badan.

 

Ka Gadaal Musiibadii Xasuuqa Loogu Geystay Walaaleheen Muslimiinta Ee Magaalada Christchurch Ee Dalka New Zealand, Senator Fraser Anning Oo Mid kamid ah Senatorada Dalka Austaralia Ayaa War Murtiyeed Uu Soo Saaray Ku Dhaleeceeyay Muslimiinta Isagoo Sheegay In Dhibaatada Iyo Rabshadaha Ay Ka Dambeeyaan Muslimiinta Qaxootiga ah Ee New Zealand Degan.

 

War Murtiyeedka Kadib Mar Uu Saxaafada Wareysi Siinayay Ayaa Waxaa Dhacay Ii Wiil Yar Uu Madaxa Kaga Jabiyay “UKUN” Waliba Isagoo Mobilkiisa Ku Duubanaya, Dhacdada Kadib Police-ka Ayaa Xiray Wiilka Yar Ee Lagu Magaabo Will Connolly Waala Sii Daayay Baaris Kadib.

 

Wiilkan Ayay Dadyowga Isticmaala Baraha Bulshada Oo Ay Ku Jiraan Dad Caan Ah Siiyeen Magaca “Egg Boy ama Wiilka Ukunta” Iyagoona Ku Bogaadiyay Ficilka Uu Sameeyay Ee Uu Ku Beegsaday Cunsuri Fraser Anning

Waxaa Kaloo Xusid Mudan In Shirkada Twitter Ay Gabi Ahaanba Joojisay Bogga Wiilkan Uu Ku Lahaa Twitterka Kasoo Muddo Kooban Ku Helay Kumanaan Followers.

Dhanka kale wiilkaan barta Instagramka ayuu wiilkaan ka helay shacbiyad aad u balaaran asigoo saacado kooban ku helay kumanaan Flowers.

Allaha U Naxariisto Walaaleheen Ku Shahiiday Xasuuqii Masjid Nuur Iyo Masjid Linwood- Aamiin.

Ficilka Wiilkan Uu Sameeyay Sidee Buu Kuula Muuqdaa?

 

W.Q.Abdurahman M.J.