Waa kuwee 10-ka filim Akshay Kumar sameeyay ee maalinta kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen

Filimka Kesari wuxuu noqday mashruuca labaad ee Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay kaasi oo maalinta kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyo wuxuuna keenay 21 Crore (Trade Figure) sida aan shabakada Boxoffice India (BOI) kasoo xiganay.

Haddaba waxaan idiin heynaa King Kumar iyo 10-kiisa filim ee lacagaha ugu badan maalinta kowaad soo xareeyeen ayadoo uu hogaanka u haayo filimka Gold oo keenay 24.63 Crore lana daawaday maalintii xurnimada Hindiya (15 Aug 2018) oo fasax qaran weyn jiray.

Fadlan hoos kaga bogo Akshay Kumar iyo 10-kiisa filim ee ugu bilaabashada wanaagsan waxayna BOI xisaabisay kaliya aflaanta uu door dhameestiran ku leeyahay kuma jiraan filimada muuqaalada martida ah uu ku leeyahay:

1. Gold (2018) – 24.63 Crore

2. Kesari (2019) – 21 Crore

3. 2.0 (2018) – 19.74 Crore qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday

4. Singh Is Bling (2015) – 16.98 Crore

5. Housefull 3 (2016) – 15.24 Crore

6. Rowdy Rathore (2012) – 14.03 Crore

7. Rustom (2016) – 13.92 Crore

8. Brothers (2015) – 13.04 Crore

9. Tees Maar Khan (2010) – 12.68 Crore

10. Gabbar Is Back (2015) – 12.64 Crore

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.