Waa kuwee 10-ka filim ugu bilaabashada wanaagsan 2019 ee hogaanka Kesari la wareegay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari maalinta kowaad 21 Crore (Trade Figure) ayuu keenay ayadoo weliba maalin barkeeda filimkan siweyn loo daawanin madaama feestada Holi lagu mashquulsanaa haddana wuxuu noqday filimka lacagaha ugu badan sanadkan 2019 soo xareeyo maalinta kowaad asigoo darajada kala wareegay filimka Gully Boy.

Sanadkan 2019 waa mid u wanaagsan Bollywood-ka sida ay filimada ku furmayaan gaar ahaan kuwa waa weyn iyo guulaha waa weyn oo ay gaarayaan waxaana la rajeynaa in Kesari isagaan Boxoffice-ka gil gili doono oo uu guul weyn gaari doono todobaadyada nagu soo fool leh.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee sanadkan 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyeen maalinta kowaad soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Kesari – 21 Crore (Holi)

 

2. Gully Boy – 19.26 Crore (Maalinta jaceylka aduunka)

 

3. Total Dhamaal – 15.91 Crore

 

4. Uri – The Surgical Strike – 8.49 Crore

 

5. Luka Chuppi – 7.76 Crore

 

6. Manikarnika: The Queen Of Jhansi – 7.66 Crore

 

7. Badla – 5 Crore

 

8. The Accidental Prime Minister – 3.57 Crore

 

9. Thackeray – 2.99 Crore

 

10. Ek Ladki ko Dekha Toh Aisa Laga – 2.86 Crore

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.