Waa Kuwee Atoorayasha Diiden Inee Film Lasameyaan Karan Johar Oo Ah Shaqsi Lagu Riyodo In Film Lala Sameyo!!

 

Karan Johar waa mid kamid ah filmsameyaalka ugu wanaagsan shirkada Bollywoodka kaasi oo sameya aflaam Classic ah inta badan guulo waaweyn gaaran.

Hadaba xidigaan ayaa ah filmsameya in badan lagu riyoodo maantana waxaad arkeysaa qof walba oo Bollywoodka soo galaya waxuu jecelyahay inuu kusoo caan baxo shirkada Dharma Productions ee uu iska leeyahay Karan Johar.

Dadka qaarkod ma rumeysanayan in xidigo qaar ay iska diideyn Filmsameyahan aflaam uu hogaamiye kaga dhigay waxaan horey u ogeyn Kareena Kapoor Khan inee hada kahor iska diiday filmka Karan Johar uu maalgaliyaha ka yahay ee Kal Ho Na Ho ayadoo lacago waali ah dalbatay ama tiri ma sameynaayo hadaan lacagahas la isiineynin.

SIda aawged waxaan idiin heynaa xidigo qaar ah oo iska diideen aflaam uu Johar iska leeyahay xidigahas waxay kala yihiin Shahid Kapoor, Ranveer Singh iyo waliba Arjun Kapoor.

Karan Johar oo arinkaan ka hadlaayo waxuu yiri,” Idinka waxaad leedihiin Karan Johar qof walba ayaa ku riyoodo inuu soo caanbixiyo balse waxaan idiin hayaa atoorayaal hada kahor diiden inee ila shaqeyaan waxayna kala yihiin.”

“Shahid Kapoor dhowr jeer ayuu diiday inuu film ila sameyo, Arjun Kapoor hada kahor film ayaan u bandhigay balse wuu iska diiday sido kale Ranveer Singh 2 film oo aan u bandhigay xiliyo kala duwan ayuu iska diiday marka aniga waxaan ahay filmsameye aflaamtisa dhowr jeer la iska diiday.”

Ugu dambeyn Ranver Singh Karan waxuu u sameeyay filmka uu maal galiyaha ka yahay ee Simmba kaaso tiyaatarada saaran waana mashruuc Super Hit ah sido kalena ay macquul tahay inuu Blockbuster noqdo..