Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Waa Maxay Sababta Uu Akshay Kumar Ugu Mahad Celinaayo Arbaaz Khan Inuu Waayihiisa Fanka Guuleesto!!

 

Super Star Akshay Kumar iyo Arbaaz Khan waa labo jilaa oo Bollywood-ka ka wada tirsan sidoo kalena xushmad gaar ah isku hayaan laakiin aanan ka dhaxeynin shaqo joogto ah.

Balse waxaa daaha laga qaaday in Akshay Kumar uu ku qasban yahay inuu u mahad celiyo Arbaaz Khan oo si dadban sabab ugu ah in Akshay Kumar fanka Hindiya siweyn kaga dhex muuqdo 25-kii sano ee ugu dambeesay.

Waxaa kasoo wareegatay 25 sano sameynta filimkii Khiladi (1992) ee ahaa Hit-kii ugu horeeyay ee Akshay Kumar sameeyay.

Hadaba labada Director ee Khiladi sameeyeen Abbas-Mastan waxay shaaca ka qaadeen in dooqa kowaad ee filimkooda inuu ahaa Arbaaz Khan, balse markii Arbaaz sameynta filimkaan iska diiday ay Akshay Kumar la saxiixdeen.

Akshay Kumar ka hor Khiladi noloshiisa fanka Hindiya dhulka ayay tiilay mashruuc walbana uu kasoo muuqday wuu guul dareestay dhaliil joogto ahna waa lala daba taagnaa.

Akki Khiladi kadib wuxuu noqday atoore isku filan oo sameeyay aflaan heer sare ah kuwaas oo guulo wacan gaareen ilaa hadaan la jecel yahay.

Arbaaz Khan mar labaad ayuu hadana fanka Hindiya ee Akshay Kumar bad baadiyay madaama uu iska diiday sameynta filimka Dhadkan ee sanadii 2000 la daawaday.

Akshay Kumar intii u dhaxeesay 1997 ilaa 2000 laga soo gaarayay xaalka ayaa ku xumaa inta badana 90% filimada uu sameeyay waxay noqdeen kuwo dhulka galeen ganacsi ahaan.

Hadaba Kumar oo bad baado kale u baahan wuxuu helay filimka Dhadkan asigoo kaga mahad celiyay Arbaaz Khan inuu filimkaan iska diiday.

Dhadkan guul wacan ayuu gaaray laakiin Akshay Kumar doorkiisii wacnaa ayuu amaan lixaad leh ku helay kana caawiyay inuu dib usoo nooleeyo waayihiisa Bollywood-ka.

Wixii Dhadkan ka dambeeyay Akshay Kumar mar sedexaad caawinaad kagama baahanin Arbaaz Khan waayo 2000 ilaa haatan Kumar sare u kac waali ah ayuu sameenaayaa wuxuu gaaray darajada Super Star-nimo sidoo kalena maanta waa atoore kuu damaanad qaadi karo sanadkii inuu sameeyo sedex ama afar filim hadana wada guuleestaan.

Isku soo wada duub Akshay Kumar oo 25-aad ee kasoo wareegatay sameynta filimkii Khiladi waa inuu Arbaaz Khan kaga mahad celiyaa sii jiritaanka waayihiisa fanka Hindiya……

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

Related posts

Maxaad Ka Taqaana Atoorihii Filimkii Daag: Th Fire Chandrachur Singh Wax Ka Ogow Noloshiisa Xidigaan Calankiisa Dhacay!!

Ali Aadan

Caawo iyo Kooxdaada Maxaa Ka Cusub: United, Arsenal, Chelsea, Inter

Zakarie

De De Pyaar De oo kaalinta 6-aad ka galay aflaanta 2019 Isniintooda kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen

Zakarie

Ajith Kumar oo filim Bollywood ah sameenayo faah faahin ku saabsan doorkiisa iyo mashruucan

Zakarie

Maxaad Ka Taqaana Xushmada Aishwarya Rai Bachchan Ay U Muujiso Dadka Ka Weyn!!

Ali Aadan

Daawo: Pogba & De Gae oo albaabka laga diraayo! macalin Ole oo shaqo badan u taalo iyo qorshaha United

Zakarie