Waa maxay sheekada gabadhii bisada ka dhimatay ee taasoo baraha bulshada qabsatay.

 

Gabar lagu magacaabo Ruun Cali Cabdi isla markaasna ku nool magaalada Qardha ayaa baryahaan baraha bulshada qabsatay kadib wareysi ay siisay idaacada BBCda qeybteeda afka soomaaliga.

Gabadhaan ayaa sheegtay in ay ka geeriyootay bisad ay laheyd kadib markii ay caruurta xaafada dhsgax ku dhufteen taasoo kaliftay in wax laga qaban waayo dhaawacna u dhimato.

Ruun Cali ayaa sheegtay in bisada ay aad u jecleyd sidoo kalana aysan xitaa hilibka ceyriinka siin jirin balse ay siin jirtay buskut iyo caano iyadoo intaas ku dartay in hada kahor mar ay xanuunsatay ay la xiriirtay dhakhtar ku takhasusay xoolaha kaasoo u dhashay wadanka Masar wuxuuna kula taliyay daawooyinka mukulaalaha loogu talo galay iney siiso.

Gabadhaan ayaa la sheegay in markii mukulaasha ka dhaawacantay ay la xiriirtay wasaarada xanaanada xoolaha balse aanan waxba loo qabanin.

Ruun waxay sheegtay in ay ku taameyso in ay dhisto xaruun mukulaalaha lagu xanaaneeyo iyadoo intaas ku dartay in loo baahanyahay in xayawaanada loo naxariisto.

Hadaba akhristo side u aragtaa falka ay gabadhaan sameysay?