Waa sidee xaalada shactiroolaha caanka ah Brahmanandam (Leef leefoow) oo qaliin dhanka wadnaha looga sameeyay

Halyeega Koonfur Hindiya ku faanaan sidoo kalena aad looga jecel yahay Hindiya iyo dhamaan daafaha caalamka Brahmanandam (Leef leefoow) ayaa xaalad halis soo wajahday waxaana loo baahday in qaliin dhanka wadnaha looga sameeyo asigoo haatan xaalad soo kabasho ku jiro kadib markii qalinkiisa lagu guuleestay.

Brahmanandam (Leef leefoow) oo 62-jir ah sidoo kalena shirkada Telugu ka jirto Tollywood la shaqeeyo ayaa xanuun dhanka wadnaha ah kusoo booday xili uu Mumbai joogay waxaana qaliin deg deg ah loogu sameeyay AHI Hospital maalintii Talaadadii hore ahayd madaama qaar ka mid ah nudayaasha wadnaha dhiiga ka qaado is xireen loona baahday qaliin in lagu sameeyo.

Dr. Ramakanta Panda oo qaliinka Brahmanandam (Leef leefoow) sameeyay ayaa saxaafada u sheegay inuu xaalad soo kabasho ku jiro sidoo kalena laga bad baadiyay halistii soo wajahday shactiroolahan caanka ah.

Brahmanandam (Leef leefoow) ayaa Tollywood kusoo biiray sanadii 1985 wuxuuna kusoo caan baxay filimkii Aha Naa Pellanta wuxuuna ilaa haatan sameeyay in ka badan 1,100 filim asigoo ka mid ah jilaayaasha Koonfur Hindiya ugu caansan maqaam sarena ka gaaray fanka Telugu.

Ilaa haatan lama xaqiijinin in Brahmanandam (Leef leefoow) dib ugu laabtay xaruntiisa Hyderabad ee sal dhig u ah Tollywood balse waxaa la xaqiijiyay oo kaliya in qaliin dhanka wadnaha Mumbai lagua sameeyay Talaadadii hore haatana xaalad soo kabasho uu ku jiro lagana bad baadiyay halistii sababtay in halyeegan isbitaal loola cararo.

Shabakada Filimside Waxay U Rajeeneysa Shactiroole Brahmanandam (Leef leefoow) Soo Kabasho Deg Deg Ah Iyo Inuu Shaashada Kusoo Laabto.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid.

Mahad sanid.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.