Waa Tan Sababta Uusan Amithab Ugu Dabaal-dageynin Dhalashadiisa 76

mega star amithab bachachan ayaa maanta haysto hadal-haynta bollywoodka maadaama uu maanta u dabaal-dagayo dhalashadiisa 76 amithab bachachan inkastoo ay tahay dhalashadiisa

laakiin qorshaha uguma jiro inuu sameesto xaflad iyo dabaal-dag ku aadan dhalashadiisa labo  arrimood darteed mida koowaad waxa ay tahay gabadhiisa shwet Bachchan

taaso weli ku dhaxda kaga jirta tacsida soodegeeda oo dhawaan geeriyooday midaas amithab uusan doonayn inuu dhigto xaflad dhalasho ah

mida kale ee labaad waxaa lagu sheegay inuu xushmeenaayo geerida dhawaan ku timid qoyska reer kapoor ka dib markii ay waayeen shaqsiga ay reer kapoor ku aftirsadaan ee krishna raj kapoor

sababtoo Amitabh waxa uu xariir fiican kala dhaxeeya qoyskaas weliba waxa si weyn isugu dhow yihiin aktarka rishi kapoor kaaso isgaa xitaa ay xun tahay xaaladiisa caafimaad isago hadda ku sugan dalka mareekanka gaar ahaan caasimada ee new york

isagoo halkaas u jooga baaritaamo la xariira caafimaadkiisa intaas oo laysku daray ayaa amithab u diiday inuu dhigto xafladiisa dhalasho amithab bachachan waa aktar hormuud u ah bollywoodka madaama uu yahay aktarada fara ku teriska ah ee xilligaan nool.