Waa Tuma Atirishadan Sawir Qaadayaasha Wajigeda Ka Qarineysa Bal Nala Ogow!!

Maalmahan waxaa la isla bartay in saxaafada ama sawir qaadayaasha hadii la dhibsado wajiga laga qarsado oo sidaas wadada lagu maro si hadal heyn dhan u abuurmin hadii kale xan joogto ah ayee la daba kacaan saxaafada xidigaha caanka ah .

XIdigaha wajigooda inee qarsadaan bilaaweyn mudadan dambe waxaa kamid ah Shahid Kapoor, Arjun Kapoor iyo Ranver Singh oo mid walba dan gaar ah ku kaliftay arinkaa qaasatan dhanka doorarkooda aflaamta in la ogaado ayee diidan xidigahan.

Balse qaabka atirishadan wajiga u qarsatay wey ka duwan tahay atoorayaasha aan sare kuxusnay waxaana lala yaaban yahay sababta ay wajigeeda u qarisay iyo waxa ay qarineysa ee wajigeeda ku yaalan saxaafada in badan ayee daba gashay.

Atirishadan cid kale ma ahan waa Nargis Fakhri oo ah atirishadii Ranbir Kapoor kusoo caan bixiyay filmkii Rockstar ee uu Ranbir abaal marino badan ku aruursaday maanta ayaana la arkay iyadoo wajiga qarsaneysa.

Nargis waxay kusugantahay hader India magaalka Mumbai goob Kafeega lagu cabo ayee sawir qaadayaal dhowr ah maanta ku arkeen sawiro inee ka qaataan ayee damceen balse wajiga ayee ka qarsatay.

Mashruuceda xiga waa diyaarsan yahay xayeysiin inee u sameyso ayaaba xiligaan laga rabay  waxaa hader lagu xantaa filmsameye reer Australia ah ee lagu magacaabo Matt Alonzo sababtaas inee wajiga u qarsatay ayaa loo badina oo ay diidantahay wax hadal heyn ah inee abuurto.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*