Waa tuma Fahriye Evcen? iyo Sawiro u gaar ah.

 

 

Fahriye Evcen waa atariisho reer Turki ah sidoo kalana ah gabar Model ah oo dharka fashionka iyo waxyaalo kale xayaysiiso.

Fahriye waxay dhalatay sanadkii 1986dii waana 33 jir iyadoo u dhaxdo ahna xaaska aktarka caanka ah ee Burak Ozcivit.

Camalkeedii ugu horeeyay ee TVyada wuxuu ahaa musalsalkii caanka noqday ee Yaprak Dokumu waxayna ku heshay aqoonsi heer sare iyadoo wixii markaas ka dambeysay noqotay atariisho caalami ah waxayna jishay musalsalo badan.

Fahriye ayaa waxay u dhaxdaa aktarka caanka ah ee Burak Ozcivit iyagoo isku barteen xiligii ay duubis ku wadeen musalsalkii hirgalay ee CaliKusu kaasoo TVyada laga daawan jiray sanadkii 2014tii waxayna wada socdeen ilaa iyo sanadkii 2017dii iyagoo ugu dambeyn sanadkaas aqal galay.

Fahriye ayaa hada leh uur 7 bilood ah waxaana lagu wadaa in dhamaadka April ay hooyo noqoto.

Hoos ka daawo sawiro u gaar ah Fahriye Evcen.