Waayo Cusub: Bollywoodka Xilligan Waxaa U Taliyaan Aktarada Dhalinta-yarada Iyagoo Ra’iisal Wasaaraha Dalka India Pm Modi Ku Qasbayb Inuu Ugu Yeero Xafiiskiisa

iyadoo bil ka hor ras’iisal wasaaraha dalka india u sameeyay dhacdo weyn taaso la timaaday hadal-hayn balaaran ka dib markii uu Kulan u qabtay wafdi ka socda bollywoodka waxaana kulanka uu ka dhacay xafiiska ra’iisal wasaaraha

dadka kulankan kasoo qayb-galayn waxaa ka mid ah filim soo sarayaal sida karan johar ritiesh sidhwani siddhart roy kapur rakesh roshan  iyo maamulaha gudiga aflaamta faaf-reebaan ninka lagu magacaabo pradoon joshi

sidoo kale  waxa kulankan kasoo muuqdayn aktarada rug-cadaayaasha ah sida ajay devgan iyo amir khan laakiin waxaa kulankan laga ka keenay dhaliilo fara badan iyadoo dadka ay si weyn ugu doodaayeen

mar haddii kulankan uu ku saabsanaa ka hadlida aflaamta iyo sida aflaamta qaar ay u samayn karaan dhaqanka iyo siyaasada dalka  maxay tahay sababta kulakan loogu casuumi waayay dumarka ka tirsan fanka kuwaaso isugu jiraan atariishooyin iyo directoro

sidoo kale waxaan kulankan si weyn ugu caroodayn xidigaha jiilkan hogaaminaya iyagoo aan lagu casuumin aktarada dhalin-yarada ee xiligan hogaaminaya bollywoodka kuwaaso leh awood iyo  taageero fara badan

laakiin ra’iisal wasaaraha dalka india pm modi isagoo arrinkaas xalinaya ayuu maanta waxa uu xafiiskiisa ku casuumay qaar ka mid ah aktarada jiilkan ugu awoodda badan sida ranveer singh varun dhawan alia bhatt ranbir kapoor vicky kaushal rajkumar rao ayushman Khurana bhumi badnekar iyo director rohit shetty

 

 

ra’iisal wasaare pm modi iyo aktaradan ayaa si weyn isugu raaceyn arrimahah uu kulankan ku saabsanaa waana arrin muujinaysaa in bollywoodka aysan lahayn dad kaliya ee hormuud u ah

 

maadaama aktar walba uu hadda leeyahay awood qaas kaaso loo baahan yahay sida ranbir kapoor iyo ranveersingh oo hadda awoodooda ay maraysa halkii ugu sareesay sidoo bollywoodka waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay atariishooyinka kuwaaso aan laga maarmin  sida alia bhatt

fadlan hoos ka daawo sawirada xidigaha lagu casuumay xafiiska ra’iisal wasaaraha 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*