Wali Ma Maqashay Dhacdadii Chichijima Oo Ah Dhacdo Dhacday Intii Uu socday Dagaalkii Labaad Aduunka? Aqriso Waan Hubaa Inaad Layaabi Doonto!

Inti Lagu Jiray Dagaalkii 2aad Ee Aduunka, Sanadii 1944 Sagaal Ka Kamid ah Duuliyayaasha Dagaal Ee Dalka Mareykanka Ayaa Kasoo Degay Diyaaradooda Kagadaal Markii Lagu Dhuftay Bomb Iyagoo Ku Jira Duqeyn Ay Duqeynayeen Jasiirada Yar Ee Chichi Jima Ee Dalka Japan, Jasiiradadan Waxay Dhanka Koonfureed Ee Magaalada Tokyo U Jirtaa 700 Miles (1,100 km).

Waxay Aheed September 1944, Markii Siddeed Kamid ah Sagaalkii Duuliyayaal Gacanta Ay Ku Dhigeen Ciidankii Japan, Ninka Sagaalaad Ee Ka Baxsaday Ayaa Ahaa 20 Jir Caan Baxay Isagoona Geeriyooday Dabyaaqadii Sanadkii Tagay Ee 2018!

Kadib Dagaalka, Waxaa Xabsiga Laga Soo Saaray Ciidankii Duuliyaasha Amerikaanka ahaa Ee La Qabtay, Iyagoona Loo Geystay Gaaraacid Iyo Jirdil Kahor Inta Aan La Dilin, Dilka Kadib Waxaa Dhacay Wax Dunida Ay La Fajacday!

MAXAA DHACAY?

Kadib Markii La Dilay Ciidankii Mareykanka Ahaa, Gen. Yoshio Tachibana Ayaa Amar Ku Bixiyay In La jarjaro Askartii Mareykan Eheed Jarjarid Kuma Ekaan ee Saraakiishii Japanese-ka Ahaa Ayaa Cunay 4 Kamid Ah Duuliyaashii Ilo Kalane Waxay Sheegeen In Gabi Ahaan 8-diiba Lacunay.

Tachibana Iyo 11 Kale Oo Shaqaale Japanese ah Ayaa August 1946 Isku Dayay Inay Dilaan Qaar Kamid Ciidamadii Badda Ee Mareykanka, Uga Yaraana Ay U Helaan Hal Qof Oo Ay Dilaan Kadibna Cunaan, Sida La sheegay Ujeedadooda Cunista Dadka Ayaa Eheed Inay Ka hortagaan Duugista Iyo Mamuuska Loo Sameynayo Askariga Ay Dilaan. Halka Ilo Japan Udhawaana Sheegeen In Baahida Ay Ka Badatay Waxay Cunaana Ay Waayeen!

Intii Lagu Jiray August 1944, Sharciga Militariga Iyo Kan Caalamiga ahba Si Gaar Ah Sharci Looguma Sameen Sida Laga Yeelayo Kooxdii Dad Cunta.

KUMA AYUU AHAA NINKI BAXSADAY?

Waxa Uu Ahaa Madaxweynihii Hore Ee Dalka Mareykanka Geeriyoodayna Dabyaaqadii Sanadkii Tagay Ee 2018 George H. W. Bush, Oo Markaas Ahaa Duuliye Da’diisu Eheed 20-Jir.

MAXAA LAGU SAMEEYAY ASKARTII FICILKAAS SAMEYSAY?

Kiiska Ama Arinta Ay Sameeyeen Japanese-ka Ayaa Baaritaankeeda La bilaabay Sanadii 1947, Waxaana Dambi Lagu Oogay 30 Kamid ah Askartii Japan, 5taan Qof ( Maj. Matoba, Gen. Tachibana, Adm. Mori, Capt. Yoshii, Iyo Dr. Teraki) Ayaana Dambi Lagu Helay, Waxaa Dil Daldalid Ah Lagu Xukumay Jeneraal Tachibana.

Dhacdadan Waxaa Buug Lagu Magacaabo
( Flyboys: A True Story of Courage ) Ka Qoray Qoraa Amerikaan ah Oo Lagu Magacaabo James Bradley.

– Aragtidaada Ka Dhiibo Dhacdadan, Sidoo Kale Share Dheh Oo Asxaabtaada Lawadaag

W/Q:- Abdurahman M Jey