Home BOX OFFICE Waqtiga Ugu Dheer Hogaanka Fanka Hindiya 9 Atoore Kaliya Ayaa Soo Qabteen...

Waqtiga Ugu Dheer Hogaanka Fanka Hindiya 9 Atoore Kaliya Ayaa Soo Qabteen Xog Xasaasi Ah!!

 

Star Power-ka waa dhibco loo aruuriyo atooraha marka filmkiisa tiyaatarada la saaro iyadoo lagu qiimeeyo habka atooraha mashruucan u iibin karo sedexda maalmood ugu horeysay ee uu tiyaatarada saaran yahay.

Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa 9-ka atoore taariikh ahaan fanka hindiya waqtiga ugu dheer Star Power-ka ama dhibca atooraha badnaashihiisa kaalinta kowaad kaga jireen iyo atoore walba inta sano ee uu kaalinta kowaad soo maamulaayey.

Iskoorkan waxaa ugu badan seddexda Mega Super Stars ee kala ah Dilip Kumar, Amitabh Bachchan iyo Shah Rukh Khan kuwaaso min 16 sano xiriir ah kaalinta 1-aad Star Power-ka soo maamulayeen waxayna ukala horeyaan sida waqti ahaan iyaga u kala horeyeen inkasto sanadaha tiro ahaan ka siman yihiin.

Hadaba aan isla ogaano 9-ka atoore waqtiga ugu dheer ama sanadaha ugu badan awooda atoorayaasha (Star Power) kaalinta kowaaad soo galeen waliba si xiriir ah.

Dilip Kumar: 16 sano xiriir ah (1948-1963) kaalinta kowaad ayuu ku dhameestay mudada 16-kan sano xiriirka ah waana atoorha kowaad ee waqtiga ugu dheer kursiga hogaaminta Bollywoodka iyo Box-office-ka ku fadhiyay.

Amitabh Bachchan: 16 sano xiriir ah (1975-1991) jilaagan waxuu noqday atooraha 2-aad waqtiga ugu dheer kaalinta kowaad Star Power-ka iska heestay sanadkii 1976 ayuu Dharmendra kala wareegay kursiga ilaa 1990 ayuuna hogaaminta Bollywoodka iyo Box-office-ka soo hayey ama kaalint 1-aad kusoo jiray.

Shah Rukh Khan: 16 sano xiriir ah (1994-2009) jilaagan waxuu noqday atooraha 3-aad waqtiga ugu dheer kaalinta kowaad Star Power-ka iska heestay sanadkii 1994 ayuu Sunny Deol kala wareegay kursiga ilaa 2009 ayuuna hogaaminta Bollywoodka iyo Box-office-ka soo hayey ama kaalint 1-aad kusoo jiray

Salman Khan: 10 sano xiriir ah (2010-2019) xidigaan 10 sano xiriir ah ayuu hader fanka hindiya hogaaminayaa oo uu kaalinta 1-aad Star Power-ka kujiraa aan aragno hadii uu sanadaha xiga sii heyn doono iyo hadii booska 1-aad laga saari doono.

K L Saigal: 8 sano xiriir ah (1940-1947) hadii uusan geeriyoon laheyn hubaal ahaan 10 sano kabadan kaalinta 1-aad wuu kusii jiri lahaa maadmaa 40-maadkii uu ahaa Mega Superstar-ka ugu awooda badan fanka hindiya.

Rajendra Kumar: 5 Sano Xiriir ah (1964-1968) xidigaan sanadkii 1969 ayaa Rajesh Khanna booska kala wareegay mooyee 10 sano xiriir ah ayuu dhameeysan lahaa maadama bartankii 60-maadkii awoodiisa cirka gashay.

Dharmendra: 4 sano xiriir ah (1972-1975) jilaagan 70-kii awood lala yaabo ayuu lasoo baxay balse marka laga hadlo tirada sanadaha xiriirka ah ee uu kaalinta kowaad Star Power-ka hayey kaliya waa afar sano.

Rajesh Khanna: 3 sano xiriir ah (1969-1971) Mega Superstar Rajesh kaliya 3 sano ayuu soo maamulay fanka hindya oo uu kaalinta kowaad si xiriir ah usoo hayey balse 15 film Big Hits ah ayuu mudadan sameeyay.

Sunny Deol: 2 sano xiriir ah (1992 & 1993) jilaagan 90-maadkii oodhan isaga ugu awood badnaa dhibco ahaan (Star Power) balse kaalinta kowaad awooda atoorayaasha kaliya 2 sano xiriir ah ayuu soo hayey.

9 Atoore ee aan sare ku sheegnay majiro atoore liiskan lasoo galay oo xitaa hal sano kaalinta kowaad soo galay kaliya 9-kooda ayaa noqdeen kuwa kaalinta kowaad soo galeen taariikh ahaan fanka hinidya intii u dhaxeysay 1940-2019.

F.G: marwalba hakuu kala saarnaato atoore tiro sanado xiriir ah kaalinta kowaad kusoo jiray, atoore 10 sano xiriir ah dhibcaha Star Power-ka u aruureen iyo atoore sanado yar hogaanka hayey misane Mega Superstar horey ka noqday.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufatoXayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...