War Cusub: Waxaa Shaaca Laga Qaaday Xiliga Priyanka Xaflada Arooskeda Mumbai Ku Dhigan Doonto!!

Atirishada Priyanka Chopra ayaa mari doonto wadadii atirishooyinkii ka horeyeen mareen kuwaaso kala ah Anushka Sharma, Sonam Kapoor, Neha Dhupia iyo Deepika Padukone oo mid walba xaflad aroos heer sare ah ku dhigatay magaalka Mumbai.

Xafladi udambeysay DeepVeer ayaa dhigteen oo Bollywoodka badankooda kasoo qeyb galeen sidaa aawged PeeCee ayaa dooneysa markeeda inee wacdaro dhigto hadal heyntana la wareegto.

Wararka hader waxay sheegayaan in xidigtaan 20 bishaan December magaalka Mumbai kudhigan doonto xaflad weyn oo Bollywoodka intooda ugu badan kasoo qeyb gali doonan waliba waxaa la sheegay xaflada Deepika mid ka weyn inee agaasimi doonto.

Priyanka ayaa dooneysa qarash walba haka baxee inee si weyn ugu dabaal dagto arooskeda maadama ay guursatay wiilka mudada yar isku jeclaadeen fanaankana ah Nick Jonas kaaso xidigtaan qalbigada ka xaday.

Dhanka kale bisha malabka ayaa u bilaawan doono 27 bishaan December ayagoo la sheegay inee New York bishooda malabka kusoo dhameesan doonan maadama Priyanka aqal weyn halkaas ku leedahay.

Hadaba waxaan sugnaa waa Priyanka iyo sida ay kaga hadal heyn badnaan doonto atirishooyinkii ka horeyeen ee sanadkaan xaflada arooskeda Mumbai ugu dabaal dageen..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*