Warbixin ku saabsan bandhigii RAW 1/1/2019. kaasoo xalay la qabtay.

Waxaan jeclaaday inaan barnaamijkaan todobaadkasta idiin soo gudbiyo kadib markii ay asxaabta u riyaaqeen warbixintii aan todobaadkii hore soo qornay.

 

Waxaana idinka codsanayaa in si barnaamijka uu u noqdo mid akhriskiisa badanyahay sidoo kalana asxaabta aan ka warqabin u ogaadaan inaad Share iigu dhahdaan baraha bulshada si shacbiyadiisa kor ugu kacdo isla markaasna u noqdo barnaamij lala wada socdo.

 

Bandhiga RAW kaasoo xalay dhacay waxaa lagu daah furay ciyaartii shabaqa la isku galiyay xidiga Dolph Ziggler iyo Drew Mclntyre.

 

Dagaalkii koowaad; Drew Mclntyre oo ka guuleystay Dolph Ziggler.

 

Drew Mclntyre intaas kaliya kuma ekaanin ee markii ciyaarta dhamaatay ayuu shabaqa dib ugu soo laabtay asigoo Dolph Ziggler si xun markale u garaacay asoo u adeegsanaayo kursiga birta ka sameysan.

Kadib wuxuu sheegay inuu doonayo inuu ku guuleysto tartanka Royal Rumble si uu bandhiga Wrstelmania uga qeyb galo isla markaasna ugu tartamo suunka WWE Universal Chambionship.

Kadib kaamirada waxay qabatay Trible H iyo seedigiis Shane McMahon oo gaari nuucyada qaaliga ah wato isla markaasna soo galaya xarunta WWE.

Kadib waxaa riingaha soo koray Seth Rollins asigoo jamaahiirta soo dhaweyn fiican ka helay wuxuuna kala hadlay dhalashada sanadka cusub asigoo sidoo kale sheegay inuusan waxbadan sugi Karin isla markaasna uu doonayo in isla caawo la siiyo fursad labaad oo uu dib ugu soo ceshto suunka qaaradaha kaasoo uu ka qaatay Dean Ambrose.

Markaas waxaa soo galay maamulaha WWE qeybta fulinta Trible H asigoo Seth Rollins u sheegay inuu iska iloobo fursad labaad maadaama wixii fursad ee horay u soo maray uu iska khasaariyay marka wuxuu dhahay subax kasta oo kuu curtaa waa kuu fursad ee fursadaada naftaada ku keenso.

Kadibna Trible H wuxuu gudo galay inuu ka hadlo waqtigii wacnaa ee ay isla soo qaateen waagii maamulka ay Seth Rollins wadan jireen wuxuuna u sheegay in uu asiga ka masuul ahaa waxkasta oo dhacay asigoo intaas ugu daray in isla caawo uu la ciyaari doono Bobby Lashley.

Waxaa goobtii ka dhacay buuq iyo dood u dhaxeysay Seth iyo H kadib waxaa soo kala dhex galay Shane McMahon asigoo Trible H u sheegay in Seth culeyska ka dajiyo wuxuuna sheegay in tartanka suunka qaaradaha isla caawo la qaban doono waxaana ku tartami doono qofkii ku guuleysto dagaalka Battle Royal.

 

Dagaalii labaad; Battle Royal waxaa ku guuleystay isla markaasna qofkii ugu dambeeyay ee riingaha kusoo haray noqday xidiga Apollo Crews.

Kadib waxaa shaashada gadaasheeda kazoo muuqday maamulihii hore ee RAW Baron Corbin asigoo sheegay in uu aad uga xunyahay inuusan ka qeyb gali doonin bandhiga Royal Rumble wuxuuna intaas ku daray inuusan jirin qof kaga xaq leh oo xarunta WWE joogaa inuusan jirin.

Balse waxaa sheekada ka kala jaray xidiga Elias kaasoo bandhigiisa faneed riingaha dhexdiisa ku qabsaday asigoona bilaabay inuu ku jeesjeeso Baron Corbin iyo siduu ugu fashilmay inuu maamulo bandhiga RAW taasoo Corbin ka xanaajisay halkii ayaana la isku fara saaray balse waxaa dagaalkii ku guuleystay Elias.

Dagaalkii sadaxaad; kooxda Sasha, Banks iyo Ember Moon oo garaacday kooxda Ruby Riott, Sarah Logan iyo Liv Morgan.

Kadib waxaa lasoo bandhigay muuqaal looga hadlaayo Braun Strowman kaasoo la rajeynaayo in dhawaan uu WWE dib ugu soo laaban doono isla markaasna uu dagaal culus la gali doono bandhiga Royal Rumble xidiga laga dambeeyo ee Brock Lesnar.

Dagaalkii afaraad; Bobby Lashley oo ka guuleystay Seth Rollins.

Dagaalka ayaa qaab fowdo ku dhamaaday kadib markii Seth uu Bobby u adeegsaday kursiga birta ah taasoo garsooraha ku qasabtay in guusha siiyo Bobby Lashley maadaama Seth uu sharciga jabiyay.

Dagaalkii shanaad; 2 v 3 kooxda Jinder mahal iyo Samir Sunil oo garaacay kooxda Heath, Slater iyo Ryno.

Kadib waxaa shaashada gadaasheeda kazoo muuqday xidiga Dean Ambrose kaasoo is weydiiyay hadii uu garab uga baahanyahay maamulka cusub ee lagu dhawaaqay balse asiga ayaa isku jawaabay asoo sheegay in Seth uu garab u baahanyahay maadaama  xaalada ka xuntahay asiga uu suunkiisa difaacan doono.

Dagaalkii lixaad; waxaa lagu tartamayay suunka qaaradaha Dean Ambrose ayaa garaacay Appolo Crews.

Dagaalkii todobaad; kooxda Ronda Rousey iyo Natalie oo garaacay kooxda Nia Jax iyo Tamina.

Bandhiga RAW ee sanadka cusub ayaana sidaas ku dhamaaday.

 

Waad ku mahadsantahay akhriskaaga.

wixii talo iyo tusaale ah hoos noogu reeb.

Cabdiraxmaan Anteeno

2 Comments

Comments are closed.