Warbixin:- Maxaad Ka Ogtahay Sharciga “Sinicize” Ee Dowlada China Kusoo Rogtay Iney Ku Dhaqmaan Muslimiinta Dalkaas?


Dowlada China ayaa dadka muslimiinta dalkaas ku amartay kudhaqanka iyo fulinta sharciga “Sinicize” shanta sano ee soo socota.

Sharcigan Ayaa horey waxa uu uqabanayay bulshada Aan Shiineeska Eheen ee dalkaas ku nool, balse hadda la faray in dadka muslimiinta ku dhaqmaan

Sharcigan (Sinicization) waa sharci dhigaya in la sameeyo waxa ay sameeyaan dadka shiinaha ah, gaar ahaan iney sameeyaan bulshooyinka aan Shiinaha ahayn ee dalkaas ku nool

Heshiiskan ayaa yimid kadib markii masuuliyiin kasocda dawladda Shiinaha ay la kulmeen wakiilada Siddeed ururo islaami ah, sida ay sheegtay wargeyga ugu weyn dalkaas ee luqada English-ka kusoo baxa Global Times.

“Masuuliyiinta ayaa isku raacay in lagu hogaamiyo dadka Islaamka in ay la jaan-qaadaan fikirka “Socialismka” Ayna ku Dhaqan Galiyaan Sharciga “Sinicize” diintooda” ayaa lagu qoray warbixinta

Balse Wargeyska laguma xusin ama faahfaahin buuxda kama bixin magacyada Siddeeda urur ay sheegeen iney heshiiskaan isku raaceen.

Sharcigan Wuxuu Mamnuuc ama sharci daro ku tilmaamayaa Ku dhaqanka diinta Islaamka qeybo kamid ah dalka Shiinaha, qaasatan Muslimiinta Uighur Ee Daga Waqooyo Galbeed Ee Dalkaas, iyadoo laqabanayo lana xirayo qofkii lagu qabta isaga oo Tukanaya Salaada, Soomaya, Deysta Gar/Gadh ama Gabadhii Xijaab/Niqaab Xirata.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan hal malyan oo muslimiinta Uighur ayaa lagu qiyaasay in lagu hayo xeryo, laguna ku khasbayo in ay ka tagaan diintooda, ballan qaadna loo sameynayo qofkii diinta kataga in uu ku biirayo xisbiga talada dalkaas haya oo Mulxidiin ama diin laawayaal ah.

Kooxaha Xuquuqda Aadanaha waxay Eedeen ujeediyeen Shiinaha iyo waxay ugu magac dareen ololaha nadiifinta qowmiyadaha, Bishii Agoosto, Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in dunida “iska indho-tiri karin” ololahaas ka dhanka ah Muslimiinta

Ugu dambeyn dowlada China ayaa Xirtay masaajida, iskuulada diinta islaamiga ah iyo Fasalada Lagu barto luqada carabiga, iyagoo mamnuuc ama qalad ka dhigay in caruurta ay ka qeyb qaataan howlaha muslimiinta.

– Allaha Dhibaatada Haka Dulqaado Muslimiimta Meel Walba Oy Joogaan Qaasatan Muslimiinta Looga Awooda Badan Dalalka Myanmar(Burma), China Iyo Falastiin? U Ducee Lana Wadaag Asxaabtaada Oo Share Dheh.

W/Q:- Abdulrahman M Jey

1 Comment

  1. Allaha huwal Qaniyun calaa kula sheeey Inshaa Allah Adoomihiisa asigaa u maqan kana wakiil qaadey in adoomihiisa badbaaadin doono haddey Alle ka cabsi dhab ah ay la yimaadaan

    Allahu Akbar

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*