Warbixino ku saabsan filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa haatan shaqada laga haayo

Kusoo dhawaada maqaalkeena todobaad laha ah ee aan kaga hadalno warbixino ku saabsan filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa haatan shaqada laga haayo.

Inaba caadi ma ahan aragtida kowaad filimka Badla oo ay hogaamiyaal ka yihiin Superstar Amitabh Bachchan iyo Taapsee Pannu. Goos gooskiisa berito ayaa lasoo bandhigayaa halka filimkan 8 Maarso 2019 la daawan doono.

Ranveer Singh ayaa magaalada Berlin qabsaday madaama halkaas xaflad ka jirtay lagu daawaday filimkiisa Gully Boy oo 14-ka bishan ama Khamiistan tiyaatarada waxaana dhacday in qof walbo amaan lixaad leh kala dul dhacay filimkan la iskuna raacay inuu yahay filim fariinta heesaha fariinta Raabka xambaarsan ee Hindiya caalamka kula tartami karaan.

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari daawashadiisa dib uma dhicin waxaana tiyaatarada la saari doona 21 Maarso 2019 ayadoo goos gooska kooban (Teaser) filimkan todobaadkan gudihiisa lasoo bandhigi doono.

Sushanti Singh Rajput iyo Sanjana Sanghi filimkooda Kizie Aur Manny magaca ayaa laga badalay waxaana loo bixiyay Dil Beechara ayadoo uu Director ka yahay Mukesh Chhabra halka shirkada Fox Star Studio ay maal galineyso.

Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 wax dib u dhac kuma imaanin daawashadiisa waxaana la daawan doonaa 26 July 2019 sida uu markii hore qorshaha ahaa waxba iskama badalin sida ay shaaca ka qaaday shirkada Reliance Entertainment oo filimkaan maal galineyso.

Labada atirisho Taapsee Pannu iyo Bhumi Pednekar filimkooda waxaa loo bixiyay Saand Ki Aankh waxaana Director ka ah Tushar Hiranandani halka Reliance Entertainment, Anurag Kashyap iyo Nidhi Parmar isla maal galinayaan shaqadiisana wey socotaa.

Pankaj Tripathi ayaa lagu soo daray filimka 83 ee Ranveer Singh hogaamiyaha ka yahay loogana hadlaayo nolosha Kapil Dev kabtankii xulka Hindiya u qaaday koobka aduunka cayaarta Cricket-ka 1983. Wuxuuna Pankaj Tripathi matalayaa doorka tababare Man Singh oo guushii taariikhiga Hindiya gaartay sabab u ahaa.

Filimka Classic ah ee Govinda, Karisma Kapoor iyo Rabu Super Hit ka dhigeen Saajan Chale Sasural ayaa la xaqiijiyay in dib loo sameenayo waxaana hogaamiye looga dhigay wiil uu awoowe u yahay halyee Dev Anand oo lagu magacaabo Rishi Anand waxaana la jileyso Ishita Raj halka ay doorar muhiim ah ku yeelan doonaan Chunky Pandey, Arya Babbar, Hemant Pandey & Sonal Monteiro.

Atirishada Kiari Advani ayaa dar dar xoog leh ku socoto markaana waxay heshay filimka Sher Shah oo Sidharth Malhotra hogaamiye ka yahay waana filim looga hadlaayo nolosha kabtanka ciidamada Militariga Hindiya usoo halmagay Vikram Batra. Filimkan shaqadiisa bisha April sanadkan waxay ka bilaaban doontaa Chandigarth oo Waqooyiga Hindiya dhacdo waxaana la daawan doonaa bartamaha 2020.

Akshay Kumar iyo Kareena Kapoor Khan ayaa duubis ku wadaan filimkooda Good News waxayna shaqada filimkan haatan ka socotaa magaalada Mumbai waxaana filimkan wax ka jilayaan Diljit Dosanjh iyo Kiara Advani  ayadoo la daawan doono 6 Sep 2019.

Tamil Star Suriya filimkiisa weyn ee la wada sugaayo NGK (Nandha Gopala Kumaran) goos gooskiisa kooban waxaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa Khamiistan (14 Feb 2019). Kani waa filimka 36-aad ee Suriya sameeyo waxaana la jilayaan Rakul Preet Singh iyo Sai Pallavi  ayadoo qorshaha yahay in la daawado 9 April 2019.

F-G: Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

1 Comment

Comments are closed.