Wax ka baro aktarka beenta ah ee Akshanada halista ah u matalo jilaaga caanka ah ee The Rock. Sawiro.

Markaan filimada daawaneyno waxaan inta badan aragnaa aktaro jilayaan akshano dhib badan misna halis ah kuwaasoo qaarkood ay naftooda ku weyn karaan.

Hase yeeshee xaqiiqda waxay tahay in inta badan muuqaaladaas halista ah aysan jilyaashaan iyagu matalin balse waxaa matalaan aktaro muuqaal ahaan iyaga loo ekeysiiyay si jilaagu naftiisa halis u galin waxayna aktarada badanaa dhiibaan lacago badan si ay halistaasi uga badbaadaan.

Hadaba maanta waxaa miiska inoo saaran aktarka badalka u ah jilaaga weyn ee reer Hollywood sidoo kalana musaaracada ka xamaasho ee Dwayne Johnson kuna magac dheer The Rock hoos ka akhriso macluumaad u gaar ah.

=Magaciisa waa Tanoai Reed waxayna qaraabo yihiin isla jilaaga The Rock iyadoo da’diisana tahay 43 jir oo wuxuu 2 sano ka yaryahay The Rock oo 45 jir ah.

=Wuxuu Tanoai kasoo muuqday filimkasta oo uu The Rock jilay tan iyo 2002dii.

=Xaaskiisa waxaa la yiraahdaa Suzanne Reed, tan layaabka lehna waxay tahay in iyadana ay isla shaqaduu asiga qabto camal qabato oo waxay jishaa doorarka halista badan ee atariishooyinka gabdhaha ah.

=Suzanne iyo Tanoai waxay is guursadeen 1999kii waxaana u joogo wiil lagu magacaabo Samson.

=Inkastoo uu 43 jir yahay balse hada kahor wuxuu sheegay inuu dareemayo inuu 83 jir yahay isla markaasna jirkiisa daal ka dareemayo howsha uu haayo oo dhib badan owgeed.

=Tanoai Reed waa ku waajib inuu maalinkasta The Rock u raaco GYMka isla markaasina halkaasi tababar adag ku sameeyaan waayo muuqaal ahaan iyo dhismaha jirka iney markasta is shabahaan waa muhiim.

=Tanoai iyo The Rock qaraabo kaliya ma ahan sidoo kalana waa saaxiibo waxayna howl galayeen mudo 25 sano kabadan waligoodna lama sheegin iney isku dhaceen.

=Tanoai sababta u fududeysay in mudada intaas la eg la shaqeeyo The Rock waxay tahay in uu meelkasta ka shabaho The Rock xitaa muuqaalka jirka.