Wax ka ogaaw jilaayaasha filimkooda ay hor duubeen tiyaatarada loo saarin balse filimkooda labaad kusoo caan baxeen (+sawiro)

iyadoo sanadkii hore waxaa si weyn nooga yaabsatay Saif Ali Khan iyo Amrita Singh gabadhooda Sara Ali Khan taaso si dar-dar leh kusoo gashay bollywoodka

sara ali khan ayaa waxa ay markii hore ay saxiixatay samaynta filimka Kadernath kaaso ay  xitaa ku bilowday duubis nasiib daro ma noqon doono midka ay kusoo caan bixi doonto

sidaas darteed sara waxa ay kusoo caan baxday filimka Simmba kaaso la daawaday 28 Dec 2018 waxaana filimkan hogaaminaayay aktarka Ranveer Singh

Haddaba hoos kaga bogo jilaayaasha sida Sara Ali Khan oo kale kuwaas oo filimka kowaad ay hor duubeen tiyaatarada loo saarin balse filimkooda labaad kusoo caan baxeen:

Akshay Kumar iyo Karisma Kapoor: filimka ugu horeeyay oo ay duubeen wuxuu ahaa Deedaar, laakiin nasiib daro mashruucan wuu daahay dhameestirkiisa.

Sidaa darteed Akshay Kumar wuxuu sameeyay oo tiyaatarada loo saaray filimada Saugandh (1991), Dancer (1991) and Mr. Bond (1992) iyo Khiladi (1992), markaas kadib ayuu filimka Deedaar soo baxay ama tiyaatarada la saaray.

Karishma Kapoor iyadana waa la mid ah waxa ay sameesay tiyaataradana loo saaray filimada Prem Quaidi (1991), Police Officer (1992) iyo Jigar (1992) markaas kadib ayuu filimka Deedaar soo baxay ama tiyaatarada la saaray.

Anil Kapoor: Inta badan dadka ma ogo Anil Kapoor filimkiisii ugu horeeyay ee uu saxiixday inuu ahaa Kahan Kahan Se Guzar Gaye kaasi oo diyaar ahaa sanadii 1981 in la daawado, balse shan sano kadib markii Anil uu xidig caan ah noqday ayaa filimkaan tiyaatarada la saaray sanadii 1986.

Sidoo kale Anil Kapoor filimkiisii kowaad ee tiyaatarada loo saaray Rachna (1983) ma ahan mid saameyn yeeshay wuxuuna magac ku helay filimkii Woh 7 Din (1983).

Chandrachud Singh: Jilaagaan filimkiisii kowaad ee uu saxiixday wuxuu ahaa Tere Mere Sapne ee shirkada Amitabh Bachchan ABCL maal galisay, balse filimkaan dib u dhac ayaa ku yimid waxaana cajiib ah Chandrachud Singh filimkisii labaas Maachis in tiyaatarada la hor saaray uu soo baxay 25 Oct 1996, halka Tere Mere Sapne uu soo baxay 6 Dec 1996.

Anita Raj: atirishadii bari samaadkii filimkeedii kowaad oo ay saxiixatay wuxuu ahaa Accha Bura, laakiin waxaa kasoo hormaray filimkii labaad oo ay saxiixatay Prem Geet (1981) oo uu soo saare ka ahaa Shatrunghan Singh, balse waxaa xiiso leh Anita Raj labadeedii filim ee ugu horeeyay in labaduba Raj Babbar la sameeyay.

Govinda: Superstar-kaan filimkiisii kowaad wuxuu ahaa Tan Badan oo uu aabihiis soo saare ka ahaa balse  Love 86 ayaa soo hormaray bilawgii 1986 iyo Ilzaam oo isla 1986 la daawaday markii labadaan filim lagu bartay oo ay guulo wacan gaareen kadib ayuu soo baxay filimkii Tan Badan ee aabihiis maal galiyay wuuna fashilmay.

La Soco Qaybta Labaad Jilaayaasha Filimkooda Kowaad Usoo Horbixin Laakiin Filimada Labaad Ay Saxiixdeen Tiyaatarada Loo Hor Saaray:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*