Wax ka ogaaw Xeerarka ugu layaabka badan wadamada caalamka ka jiraan

Waxaa qoray warbixintan (Farxaan Saciid Mire Fsm):

1. Ardayga 15 sano ka weyn ee imtixaan qisha waa la xidhayaa.
– Bangladesh.

2. Cabitaanka Pepsi gu waa ka mamnuuc18 sano wixii ka yar.
– Norway

3. 15 sano waa da’da uu sharcigu ogol yahay in sigaarka lagu bilaabi karo.
– Mexico

4. Iibsashada gaadhi Maraykan ahi waa mamnuuc waana lagugu xidhayaa.
– North Korea

5. Ka baxsashada jeelku waa dambi aan lagugu ciqaabeyn.
– Germany iyo Denmark

6. Oohintu waa ka mamnuuc goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan.
– Columbia

7. Waa in aad ogolaansho ka haysato wasaaradda arimaha gudaha haddii aad doonayso in aad timahaaga midabayso.
– North Korea

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

8. Miisaankaaga oo kordhaa waa dembi lagugu ciqaabi karo.
– Japan

9. Waa lagu xidhayaa haddii aad u dhoollo cadeyso gabadh aanan garaneynin.
– Venezuela

10. Isticmaalka internetku waa mamnuuc haddii aanan ogolaansho ka haysan dhamaan wasaaradaha.
– North Korea

11. Daawashada TV gu waa mamnuuc wixii ka dambeeya 12 ka habeenimo.
– Cameroon

12. Waa mamnuuc in aad inankaaga u bixiso “Maxamed, Axmed, C/laahi”.
– Burma

13. Qasab kuguma aha in aad lacagta bixiso haddii aanan dhergin, haddii aad cuntadaada dhameysato oo aanan dheragsaneyn waad iska bixi kartaa adiga oo aan lacag bixin.
– hoteelada Denmark

14. Cabitaanku nooca uu doono ha ahaadee waa mamnuuc inta aad gaadhiga wado xataa haddii uu biyo yahay.
– Greece

15. Xaaskaagu awood bay u leedahay in ay magacaaga bedesho mana diidi kartid.
– Holland

16. Gabadhu awood bay u leedahay in ay maxkamada ka dalbato in ay ogaato meesha uu ninkeedu joogo xilli walba oo ay lugta kaga xidho aaladda casriga ah ee GPS ka.
– South Africa.

Xeerkee baa aad kuu soo jiitay?

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.