Wax ka ogow aktarada caanka ah ee iska diideen jilista Filimka Th Matrix kahor intaan doorkaas loo dhiibin Kaenu Reeves.

Filimka The Matrix waa filim taxane ah oo qeybtiisii koowaad la daawaday sanadkii 1999kii wuxuuna kamid yahay filimadii ugu waaweynaa ay sameyeen shirkada aflaamta ee Hollywood.

Filimkaan oo sadaxdiisa qeyboodba ay gaareen guulo waaweyn sidoo kalana lacago aad u badan laga helay ayaa waxaa markii hore loosoo bandhigay in doorka Neo ee uu jilay aktarka Keanu Reeves aktaro kale oo waaweyn waqtigaasna aduunka u shidnaa waxaana kamid ah aktaradaas aktarka weyn ee Johnny Depp asigoona ahaa qofka koowaad ee ay rabeen in filimkaan u dhiibaan gabdhihii Directarka ka ahaa filimka ee The Wachowskis (Lana Wachowskis iyo Lilly Wachowskis) hase yeeshee wuu iska diiday matalida doorkaas.

Sidoo kale waxaa filimka loo bandhigay aktarada kale sida Will Smith, oo asna iska diiday doorka Neo (Thomas A.Anderson) asigoona ka doorbiday matalida filimka Wild Wild West.

Waxaa kaloo filimka The Matrix iska diiday aktarka weyn ee Nicolas Cage asigoona sabab qoys darted filimkaan u sameyn waayay.

Brad Pitt haka reebin waayo wuxuu kamid ahaa aktaradii filimkaan lala wadaagay misna iska diiday si lamid ah waxaa kaloo iska diiday Val Kilmer.

Dhamaan aktaradaasi waxay diideen iney jilaan doorkii caanka ahaa ee uu matalay aktarka Keanu Reeves (Thomas A.Anderson Neo).

Kaenu Reeves ayaa doorkaas sidii loo rabay u matalay asigoona noqday shakhsiyadiisa Neo mid caalami ah wuxuuna ku helay jilida filimkaan magac iyo maamuusba.

Hadaba akhristow makula tahay in aktaradaan maanta hadii dib loo celiyo misna The Matrix loo bandhigo ay diidi doonaan?