Waxaa Lasii Ogaaday Waqtiga Uu Allu Arjun Duubista Uu Ku Bilaabi Doono  Filimkiisa Aan Magaca Loo Bixin Ee Director ka yahay Trivikram

aktarka Allu arjun ayaa waxaa u qorsheesan inuu duubis ku bilaabi doono filimka aan magaca loo bixin ee uu Director ka yahay Trivikram Srinivas

Allu arjun filimkan waxa uu noqon doona filimkii sadexaad oo uu la midoobaayo director kan iyagoo hore iskala soo shaqeeyeen aflaamta kala ah Julai (2012) iyo satyamurthy (2015)

inkastoo weli si rasmi ah loogu dhawaaqin mashruucan haddana waxaa maanta soo baxaya in aktarka Allu Arjun inuu duubista filimkan bilaabi doono dhamaadka bishan march

waxaana soo saarayaasha filimkan ay dhawaan ku dhawaaqi doono dhamaan jilaayaasha filimkan saamayn doonan kaliya hadda waxaa la shaaciyay inay filimkan atariisho ka noqon doonto atariisho i dhaxaysa bollywoodka iyo koonfurta ee pooja hedge taaso u noqon doonta markii labaad oo ay la shaqeenayso aktarka Allu arjun iyo director Trivikram

pooja hedge waxa ay Allu arjun la jishay filimkii hit ka noqday ee duvvada jagannadham kaaso la daawaday sanadkii 2016 halka director Trivikram isagana ay u sameesay filimka lagu magacaabo Aravinda Sametha Veera Raghava kaaso uu hogaamiya ka yahay aktarka jr NTR

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*