Waxay qarka u fuushay iney dhimato kadib markey isku durtay cirbad cabitaano ah. dhacdo layaab leh

.

Haweeney u dhalatay wadanka China ayaa isbitaal loola cararay kadib markii ay nafteeda ku durtay cirbad ay cabitaano la isku qasay ka sameysay.

Haweeyneydaan ayaa sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbitaalka nafteeda ku muday cirbad cabitaano ah taasoo ay ka sameysay in kabadan 20 nooc oo miro ah iyadoo ujeedkeeda uu ahaa  iney hesho caafimaad hagaagsan.

Haweyneydaan oo 51 jir aheyd ayaa loo cararay isbitaalka iyadoona qeybta xaaladaha dagdaga ah ku jirtay mudo 5 maalmood ah waxaana dhibaatooyin guud kasoo gaareen xubno ay kamid yihiin beerka, sambabka, qalbiga iyo kiliyahaba.

Dhakhaatiirta isbitaalka la seexiyay ayaa la tacaaleen xaaladeeda taasoo hada mid soo hagaagtay ah waxaana dib loogu celiyay gurigeeda.