Weydiimaha Filimside; isku day inaad 5taan su’aal ka jawaabtid.

Barnaamijka weydiimaha Filimside waa barnaamij aqoon kororsi ah kaasoo aan isku weydiino su’aalo muhiim ah isla markaasna jawasabtii ay akhristayaasha garan waayaan aan anaga ka jawaabno.

Hadaba adigoo cilmigaaga kaashanayo isku day inaad 5taan su’aalood ka jawaabtid.

 

1-waxaad sheegtaa Dowlada mareykanka sanadkii ay xornimadeeda qaadatay iyo wadankii gumeysan jirayba?

2-sheeg aasaasihii dowladii Cuthmaaniyiinta.

3-waxaad sheegtaa waxaad isticmaasho balse aadan arkin adiga masoo iibsatid balse waa laguu soo iibiyaa.

4-waa kuma khaliifkii ugu horeeyay ee dowladii cabaasiyiinta?

5-waa kuma Raiisul wazaarihii ugu horeeyay ee soomaaliya?

 

Qofkii jawaabaha wada saxo insha’allaah waan soo bandhigi doonaa.

Nasiib wacan.

2 Comments

  1. 1. 4tii July 1776 waxaanay ka qaateen British ka waxaana ka qaatay 13kii gobol ee ugu horeeyey inkastoo gobalada koonfureed ay iyagana xornimada ka qaateen Spanish ka waqtiyo kala duwan

    2. Cusmaan qaazi oo loo yaqaanay
    Osman I

    3.waa ( Kafanta) ayaan filayaa

    4.Abuu Al Cabaas Cabdullaahi ibnu Muxamad As-Saffa

    5.Riisalwasaarihii ugu horeeyey ee soomaaliya yeelato waqtigii isticmaarkii talyaaniga wuxuu ahaa Cabdullaahi Ciise

  2. 1. 4 jully 1776 waxayna ka qaaten great Britain
    2. Osman chazi (osman 1)
    3.kafan

    4.as-saffah
    5. Abdullahi ise ka hor xornimadii ayuu ahaa bacdal xurnimo waxaa ahaa raysal wasarihii jamhuriyada somalia ee ugu horeeyay Mohamed haji ibrahim egal.

Comments are closed.