Will Smith Oo Taj Mahal Booqday Wali Dalxiiska India Ayuu Kudhexjiraa (+Sawiro)

Jilaaga caanka ah ee Reer Hollywood ayaa wali bartanka kaga jira damaashaadkiisa dalka india isagoo meelo kala duwan booqanaayo waxaa lasoo bandhigay Smith o Agra kusugan sido kalena Taj Mahal sawiro isaga soo qaaday.

Will Smith India markuu yimid xidigo badan ayuu la kulmay sida Ranver Singh, Akshay Kumar, Karan Johar waliba barnaamijka Koffe With Karan ayuu ka qeyb qaatay xidigaan oo uu kasoo muuqday.

Sido kale waxaan idiin la wadaagnay sawiro ka turjumayaan Smith oo wadooyinka Mumbai mooto bajaaaj kuwadaayo isagoo dalxiiskiisa bartanka kaga jira maalintii shalay ayeena ahed.

Hadaba maanta waxuu kusuganyahay Agra oo uu waqti wacan ku qaadanayaa sarta caanka ah ee Taj Mahal taaso kamid ah dunida goobaha ugu caansan ee dalxiiska loo imaado.

Smith waxuu kasoo muuqan doona filmka Student of The Year 2 qaasatan heeska mashruucan ee filmka magaciisa loogu heesayo waxaana la sheegay in isaga iyo Tiger Dance wacan ku muujin doonan heeskan waxaana filmkaan la daawana 2019.

Fadlan halkaan hoose ka daawo Will Smith iyo sawirada laga soo bandhigay isagoo Taj Mahal kusugan sawiro xiiso lehna kusoo galay sarta horteeda waana meel kamid ah dunida meelaha dalxiiska loo tago.