Worldwide Opening Weekends All Time: Simmba oo kaalinta 5-aad ka galay isku darka dibad+dal filimada lacagaha ugu badan soo xareeyeen sanadkan 2018

Filimka weyn ee simmba ayaa wada wacdaro weyn isagoo gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ganacsi adag ka sameenayo waxa uuna sadex maalmood kusoo xareeyay lacag dhan 100 crore

sidoo kale simmba wuxuu sanadkan 2018 kaalinta 5-aad ka galay filimada lacagaha ugu badan soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sedexda maamood ee ugu horeyso ganacsi ahaan waana ganacsiga la mid ah mid uu sanadkii hore uu sameeyay filimka golmaal again sadexdiisa maalmood ugu horeeyay waxaan director ka ahaa isla Rohit Shetty waxaana la daawaday

simmba waxa uu noqday filimka labaad ee ranveer singh hogaamiye ka yahay kaaso lacago 100 Crore kusoo soo xareeyo muddo sadex maalmood ganacsigiisa gudaha hindiya iyo daafaca caalamka kaliya waxaa rikoorkan kaga  horeeya filimka padmavaat kaliya waxaa filimkan ka sareeya ranveer waa aktar talaabsaday

waxaana ay soo dhamaaday sanadka 2018 iyadoo filimka sanju uu yahay filimka kaliya  ee inka badan 200 Crore soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka mudo sedex maalmood ah waxaana la yaab ah labada filim ee sanadkan sida u fashilmyan ee kala ah thug of hindustani , race 3  iyo zero inay safka hore kasoo muuqdayn liiskan

Fadlan hoos kaga bogo filimada lacagaha ugu badan soo xareeyeen sedexda maalmood ee ugu horeyso isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sanadka 2018  (Worldwide Opening Weekends All Time):

1. sanju  – 203.57 Crore

2. race 3 – 181.79 Crore

3. thug of hindustani  – 166.54 Crore

4. padmavaat – 163.31 Crore

5. simmba – 131 crore (Qiyaas ahaan)

6. baaghi 2 – 115.54 Crore

7. zero – 105 Crore

8. 2.0 – ( hindi) – 94.87 Crore

9. padman – 64.75 Crore

10. gold – 63.42 Crore